crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kuray lagu ciqaabay inuu daawado dhalada inta waagu kaga baryayo! | HimiloNetwork

Kuray lagu ciqaabay inuu daawado dhalada inta waagu kaga baryayo!

MUQDISHO (HN) — Shiinaha waxaa ka jira dhaqan ciqaab waalideed ah oo la yiraahdo tough parenting ama tiger parenting oo ilmaha lagu siiyo abaalmarin daran haddii uu ka beyro ama uu ku dhaco shaqada iyo howlaha loo diro ee iskuulka ama guriga.

Qoys Shiinees ah ayaa si kastaba dhawaan qabsaday baraha bulshada kaddib markii saacado xiriir ah ay inakooda ku qasbeen inuu daawado dhalada ama tiifiiiga. Markii ay lammaanahani kusoo laabteen guriga, beddelkii ay filayeen in inankoodu uu diyaarsanayo casharadiisa oo uu ku mashquulsan yahay leyliga iskuulka laga soo siiyay, waxay u yimaadeen isaga oo daawanaya dhalada.

Si haddaba loo eedsiiyo gefka uu ku dhacay, waxay labadan waalid go’aansadeen inay u dhigaan cashar lama ilaawaan ah. Waxayna ku qasbeen inuu daawado dhalada oo aanu seexan karin ilaa laga gaarayo 11-ka subaxnimo si uu markaas kaddibna usii aado iskuulka.

Dhowr ayaa la arkayaa inankan oo isku dayaya inuu qolka jiifka u baxo kadibna waxaa soo celinaysa hooyada oo ku qasbaysa inuu daawado dhalada. Wiilka ayaa si kastaba, ku hor luloonaya dhalada uu fiirsanayo waxaana uu isku dayayaa inuu is xejiyo oo aanay ka tan badan hurdada. Balse marwalba waxaa la dareemayaa inay soo ridanayso oo uusan iska celin karin.

Dad badan oo daawaday ayaa aad uga xumaaday falka lagula kacay. Waxayna xumaato u dareemeen naxariis darrada labadiisa waalid. Balse marka la joogo Shiinaha la-yaab malahan dhacdadan oo kale. Waayo waxyaabo kale oo kasii daran ayaa la arkaa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!