crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Is-dilka Ardayda dalka Japan – Tiro laga walwalo! | HimiloNetwork

Is-dilka Ardayda dalka Japan – Tiro laga walwalo!

Muqdisho (Himilonetwork) – Wasaaradda waxbarashada dalka Japan ayaa dabool qaaday kororka ku socda ardayda is-daldalaya ee da’da yar taas oo iminka mareysa heerkii ugu sarreysay marka la eego 30 sano ee lasoo dhaagay.
Sanaddii ina dhaaftay oo keliya waxa naftooda haligay250 arday, kuwaas oo dhigta dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, waana tiradii ugu badneed tan iyo sanaddii 1986, markaas oo ay gaartay 268 arday.
Sida ay warbixinadu sheegayaan sababaha ugu weyn ee ku qasbaya caruurta dhibaatadaan 33 kamid ah ayaa ah Cabsi ay ka qabaan Mustaqbalkooda, 31 kamid ahna waa xaalado qoys halka 140 xaaladoodna aan wali la garan.
Dhacdooyinkaan ayaa walaac xoogan ku reebaya mas’uuliyiinta dalka Japan, sida alaga soo xiganayo wakaaladda wararka ee Reuters, gaar ahaan waxay ku soo aadayaan iyadoo gabi ahaan dalka hoos u dhac laga dareemay heerka is-dilka 15 sano ee lasoo dhaafay.
Tirada is-dal-dashay Japan sanaddii 2017 waxa lagu qiyaasay 21, 321 ruux, halka 2003 oo aheyd taariikhda  markii ugu xumeyd is-dilka dalkaas, xilligaas oo ay baliisku diiwaan geliyeen 34 kun oo ruux.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!