crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hergabka oo daawo loo helay | HimiloNetwork

Hergabka oo daawo loo helay

Nairobi (Himilonetwork) – Dhakhaatiir kasoo jeedo Ingriiska waxay sheegeen inay heleen daawada Hergabka taaso la dagaalami karto Fayraaska keeno Hergabka.
Waxaa la sheegay in daawadani ay ka hortagi karto in unugyada proteenka jirka aadanaha uu inta badan weeraro fayraaska taaso marka dambe dhalin karto inuu faafo.
Daawadan ayaa wax tar noqon karta marka la siiyo qofka la xannuunsan Hergabka wakhti hore.
Cilmi baarayaal ku sugan Macadka Imperial ee London waxay ka shaqaynayaan sidii daawadan ay u noqon lahayd mid sanka laga qaato iyo in la yeereeyo dhibaatadeeda.
Cilmi baare ka tirsan macadka ayaa sheegay in daawadan la siinayo qofka uu Hergabka ku dhacay kaddibna ay joojinayso fayraaska faafitaankiisa.
Wuxuu intaasi ku daray in daawadan ay yarayn karto saamaynta uu Hergabka ku yeesho qofka.
Daawadan ayaa sido kale caawin karta dadka la xannuunsan neefta kuwaaso u nugul Hergabka.
Fayraaska keeno Hergabka ma ahaan mid awood leh, waxaana laga yaaba inaysan iska cabinin daawada.
Cilmi baarista ayaa lagu ogaaday in daawadan ay ka hortagtay Fayraaska balse aysan wax dhibaata ah ku reebaynin unugyada jirka.
Waxaa sido kale loo baahan yahay in la sameeyo daraasad kale si loo ogaado inay dhibaata ku yeelan karto jirka iyo in kale.
Dr Peter Barlow ayaa isagana sheegay in daawadani ay wiiqi doonto fayraaska dhaliyo Hergabka islamarkaasna ay noqon doonto daawo wax tar leh.
Dagaalka lagu la jiro hergabka
Hergabka si degdeg ah ayuu ku faafaa muddo 24 saacadood ah.
Daawooyinka xannuunka baabi’iyo ayaa yarayn karaan Hergabka, balse hadda ma jiraan daawooyin ka hortagi karo caabuqan.
Siyaabaha lagu kala qaado Hergabka
Haddii aad ag joogtid qof Hergab qabo oo qufacayo mise hindhisoonayo.
Haddii aad afkaaga, sankaaga mise indhahaaga aad ku taabatid waxyaabo u taabtay qof qaba Hergab.
Xigasho – BBCSomali
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!