ÜRÜMQI (Himilonetwork) – “Waxaan ka tuugayay inay nafta i dhaafiyaan mar kasta oo ay koronto igu qabtaan. Jirkayga oo dhan ayaa wada guban jiray. Waxaana xanuunka aan ka dareemi jiray dhammaanba xubnaha oogadayda.”
Tani waa qisada da’yarta Muslimadda Uyghur,  Mihrigul Tursun, ay ku sharraxday tacaddigii ay kala kulantay xerada ciqaabta Shiinaha, sida ay soo warisay The Independent.
Iyada oo ka hadlaysay kulan saxaafadeedka National Press Club oo ka dhacay Washington, dalka Maraykanka, Tursun waxay sheegtay in hurdo iyo hunguri laga soomiyay. Timihii ku yiillay madaxeeda oo dhanna laga diiray. Waxaana lagu ciqaabay koronto.
Mana ahan markii ugu horreysay, sida ay sheegtay. Waa markii saddexaad oo xabsi loo dhaadhiciyo taniyo sannadkii 2017-ka.
QM ayaa sheegeysa in ku dhawaad laba milyan oo Muslimiinta Uyghur ah ay ku jiraan kaamamka Shiinuhu ugu tala-galay inuu ku xakameeyo xurriyaddooda diimeed.
Tursun waa ardayad Jaamacadeed oo kusoo kortay dhulka Uyghurstan, balse u wareegtay dalka Masar si ay uga soo barato afka Ingiriiska. Waxayna halkaas isku guursadeen seygeeda oo ay u dhashay saddex carruur ah.
Sannadkii 2015-ka, markii ay kusoo laabatay dalkeeda Shiinaha – si ay waqti ula qaadato ehelkeeda – waxaa durba loo taxaabay xabsi. Carruurteedana waa laga reebtay. Markii lasoo daayay saddex bilood kaddib, mid kamid ah ubadkeeda ayaa dhintay. Halka labada kale ay la darseen dhibaato caafimaad.
Dhowr bilood kaddib, haddana waxaa lala xiray haween kale oo gaaraya 60. Waxaana lagu qasbay inay adeegsadaan musqulo ay horjoogayaal u yihiin ciidanka amniga. Waxaana lagu xiray kaamirooyinka cctv-ga loo yaqaan si dhaqdhaqaaqooda loo hubiyo.
Markii xabsiga laga sii daayay, gabadhan Muslimadda ah ayaa labadeeda carruur waxay u wadatay dalka Masar, hayeeshe xukuumadda Shiinaha ayaa amartay inay degdeg ugu soo laabato gobolkeeda Uyghurstan.
Balse Tursun ayaa la xiriirtay safaaradda Maraykanka ee Masar – iyada oo dhageysi kaddib daganaansho laga siiyay gobalka Virginia.
