crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney cafis la yaab leh u fidisay dilaagii wiilkeeda | HimiloNetwork

Haweeney cafis la yaab leh u fidisay dilaagii wiilkeeda

USA (Himilonews) – Hooyo wiilkeedii kaliga ku ahaa laga dilay ayaa cafis kal-furan u fidisay dilaagii inankeeda—iyada oo ku casuumaysa inuu kula noolaado guri jaarkeeda ah.
Mary Johnson, oo 59-jirad ah, hadda waxay fillo qura jiifka kala soo kacdaa aroor kasta jaarkeeda Oshea Israel, oo 34-jir ah.
Bishii February 1993, Wiilka Mary Johnson, Laramiun Byrd, oo 20-jir ahaa waxaa madaxa ka toogtay Oshea Israel oo 16-jir ahaa kadib muran ka dhashay xaflad ay ku qabsanayeen Minneapolis, Minnesota.
Israel kaas oo lagu daray burcadda iyo daroogada waxaa lagu xukumay 25-sano iyo lix bilood. Wuxuu xabsiga ku qaatay 17-sano kahor intaan lasii deynin.
Hadda wuxuu dib ula nool yahay deriskiisa ah halkii uu kusoo ababay—iridda ku dhaqan aqalkiisa oo ah guriga hooyada dhashay wiilkii uu dilay.
 Mary Johnson waxay sheegtay inay asal-ahaan rabtay garsoor iyo inay aragto Israel oo loo xiro wixii uu galabsaday.
Waxay tiri: “Wiilkaygii wuu dhintay. Waan caraysnaan jiray—aniga oo nacaya Israel iyo hooyadiis.”
“Waxaan doonay in loo ciqaabo sidii xoolanimada aheyd ee uu wiilkayga ii dhaafiyay.”

Waxyar kadib, waxay go’aansatay inay la xiriirto kooxaha kaalmada iyada oo la tashanaysa hooyooyin wiilshooda laga dilay—kuna dhiirrigeliyay inay u ban-baxdo qoysaska dillaayaasha, kuwaas oo iyaguna dhinac kale dhibanayaal ka ahaa.
“Dhaawac waa dhaawac. Dhib malahan dhinaca aad ka joogto,” ayay tiri Mary.
Gu’yaal dhowr ah kahor, 59-jiradda ah macalimad, waxay is-weydiisay haddii Israel ay kula kulmi kartay gaalshiraha Minnesota.
Waxay sheegtay inay dareensaneyd jujuub ah inay aragto haddii ay jirto waddo ay ku cafin kartay dilaaga inankeeda.
Ugu horreyn wuu ka caga-jiiday hayeeshe sagaal bil kadib, wuxuu badalay aragtidiisa. Israel wuxuu sheegay inuu la dhacay xaqiiqda ah inay doonaysay la kulankiisa.
Wuxuu yiri: “Waan rumeysanahay wixii koobaad ee ay igu tiri waxay aheyd, “Fiiri, ima garaneysid. Kumana garanayo. Hadda aynu isla anba-qaadno.”
“Waxaana daaliyay naftayda.”
Labaduba waxay u kulmi jireen si joogto ah markaas kadib. Kolkii Israel lagasii daayay gaalshiraha, Mary Johnson waxay bartay milkiilaha fillada—kaas oo isna ku riyaaqidda falka suuban ee Mary kadib—Israel ku casuumay inuu lasoo dagi karo fillada.
Mrs Johnson iyo Israel hadda waa saaxiibo rumaad—taas oo ah xaalad ku hoos dhalatay iimaankeeda adag ee diinteeda hayeeshe waxay kaloo sheegtay inay dhiiri-gelin nafsiyadeed haysatay.
“Cafis la’aantu waa sida Kansarka. Gudaha ayay kaa dhex cunaysaa,”
“Tani isaga kuma ahan—ani ahaantayda inaan cafiyo iguma hantaaqinayso wixii uu iga galay. Haa, waa sax wuu dilay inankaygii-hayeeshe, cafintu anigay ii gaar tahay.”
Mary Johson xittaa waxay xirataa katiin dhexda labadiisa dacal ay ku sawiran yihiin iyada iyo wiilkeeda iyo sawirka Israel.
Israel wuxuu dhabaystaa inuu wali la halgamo xaaladda aan caadiga ahayn ee uu naftiisa ku arkay.
“Gebi ahaan naftayda mawada cafin wali. Waxaan baranayaa inaan naftayda cafiyo. Waxaana wali ku korayaa jihada isku daynimo ee cafinta naftayda,” ayuu yiri Israel.
Israel hadda wuxuu ku dadaalaa inuu naftiisa u gayaxo hooyada uu wiilkeedii ka dilay.
Wuxuu ka shaqeeyaa ol’ole dib-u-habeys maalintii; wuxuuna habeenkii dhigtaa koleej. Wuxuu sheegay inuu isku xil-saaray inuu dib-u-buuxiyo doorka Mrs Johson oo ah horumarinta bulshada.
Wuxuu booqdaa gaalshirrada iyo goobaha ay ku cibaadaystaan si uu ugala hadlo wax-cafiska iyo dib-u-heshiisiinta. Halka Mrs Johnson ay kolkol ku biirto iyaga oo wadajir bulshada ula wadaagaya sheekadooda.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!