USA (Himilonews) – Hooyo wiilkeedii kaliga ku ahaa laga dilay ayaa cafis kal-furan u fidisay dilaagii inankeeda—iyada oo ku casuumaysa inuu kula noolaado guri jaarkeeda ah.
Mary Johnson, oo 59-jirad ah, hadda waxay fillo qura jiifka kala soo kacdaa aroor kasta jaarkeeda Oshea Israel, oo 34-jir ah.
Bishii February 1993, Wiilka Mary Johnson, Laramiun Byrd, oo 20-jir ahaa waxaa madaxa ka toogtay Oshea Israel oo 16-jir ahaa kadib muran ka dhashay xaflad ay ku qabsanayeen Minneapolis, Minnesota.
Israel kaas oo lagu daray burcadda iyo daroogada waxaa lagu xukumay 25-sano iyo lix bilood. Wuxuu xabsiga ku qaatay 17-sano kahor intaan lasii deynin.
Hadda wuxuu dib ula nool yahay deriskiisa ah halkii uu kusoo ababay—iridda ku dhaqan aqalkiisa oo ah guriga hooyada dhashay wiilkii uu dilay.
Mary Johnson waxay sheegtay inay asal-ahaan rabtay garsoor iyo inay aragto Israel oo loo xiro wixii uu galabsaday.
Waxay tiri: “Wiilkaygii wuu dhintay. Waan caraysnaan jiray—aniga oo nacaya Israel iyo hooyadiis.”
“Waxaan doonay in loo ciqaabo sidii xoolanimada aheyd ee uu wiilkayga ii dhaafiyay.”

