crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney 90 daqiiqo la dagaalamaysay Yaxaas oo lasoo badbaadiyay! | HimiloNetwork

Haweeney 90 daqiiqo la dagaalamaysay Yaxaas oo lasoo badbaadiyay!

MUQDISHO (HN) — Haweeney u dhalatay dalka Induniisiya ayaa waqtigeedu wax ka dhinnaa kaddib markii 90 daqiiqo oo ay iska caabin joogto ah kula jirtay yaxaas lasoo badbaadiyay. Waxaana loola degdegay isbitaal si loogu siiyo gargaar.

 Falmira De Jesus, oo 38 jir ah, waxay biyo ka dhaansaneysay webiga kaddib markii uu si lama filaan ah usoo weeraray yaxaas oo biyaha ugu dhakanaa. In yar markii uu si buuxda u hubsaday inay halgaaddiisu ku dhici karto ayuu lugta ku dhagay kaddibna wuxuu la dhex galay biyaha. Muddo ayaa Falmaria lagu soo warramay inay isku dartay qeylo iyo iska caabin joogto ah ilaa ay uga yimaadaan dadkii ka ag dhawaa webiga. Muuqaal laga soo duubay ayaa la arkayaa haweeneydan oo madaxa mooyee inta kale ee jirka kula jirta webiga iyada oo isku dayaysa in wax allaale wixii karaankeeda ah ay sameyso si ay uga baxsato yaxaaska lugta ku dhegan ee ku fikiraya inuu wada liqo. Dadkii gurmadka u yimid ayaa la arkayaa iyaga oo budad sita iyo qoryo si ay uga didiyaan yaxaaska haweeneyda uu qabsaday.

“Xanuun baan ka dareemayay rabta uu yaxaaska iga qabsaday, mana iska bixin karin,” ayay tiri. “Kadibna waxaan dareemay tabaryari, waxaan mooday inuu dhiman rabo maadaama aan kusii siganayay inaan biyaha wada quuso.”

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay arkayeen yaxaaska oo isku dayaya inuu la dego haweeneyda laakiin maadaama biyuhu yaraayeen waxaa ku adkeyd inuu la quuso. Markii si kastaba, lagu soo xoomay, yaxaaska ayaa go’aansaday inuu sii daayo haweeneyda dibna isaga laabto.

Haweeneydan geesiyadda ah oo dagaal qaatay muddo 90 daqiiqo ah kula jirtay yaxaaska, waxaa loola cararay isbitaalka.

“Aniga oo jooga isbitaalka ayaan misana dareemaya cabsida yaxaaska,” ayay tiri. “Waxaan u mahadcelinayaa dadkii iisoo gurmaday.”

Booliska ayaa amaanay geesimada haweeneydan, waxayse geesta kale dadweynaha ugu yeereen inay aad uga durgaan jinka webiyada si aanu yaxaas dadqaad ah ula tagin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!