crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gaariga ugu Foosha xun Dunida. | HimiloNetwork

Gaariga ugu Foosha xun Dunida.

MUQDISHO (HN) — Carruurnimadiisa laga soo bilaabo wuxuu aad u jeclaa bir-socotada oo dhan oo baabuurtuna ay kaga jireen kaalmaha hore. Waxayna taasi kaga tagtay inuu is weydiiyo sabbata gaari walba dibadda loogu sameeyo oo aan gudaha mid lagu sameeyey loo arki Karin.

Wuxuu sameeyey wax walba oo ay ku qaadan kartay si uu aragtidaas mar un u hirgaliyo. Waana helaha iyo sameeyaha gaariga aad u jeedaan.

La kulan: Jaamba Tiis oo ah ninkii koowaad oo sameeya gaari ganac-ku-sameys ah isku jira ah. Waxaa jira dad ku nool dunida riyada iyo qaar xaqiiqda la nool iyo dabcan kuwo riyooyinka run u beddela.

Micno malahan halka aad kasoo jeedo. Inaad riyooto qalad kuma lihid. Laakiin mustaqbalka waxaa iska leh kuwa ku dhaca inay siday ugu riyoodeen uga rumeeyaan hankooda.m

Waa qof fariid ah. Wuxuu hidnisay mashruuciisa kadibna wuu ka howlgalay. Natiijaduna waxya noqotay sida aad u jeedaan. Wuxuu adeegsaday agabka kiisa laga heli karo gudaha dalkiisa.

Waan ku riyoon jiray waligay inaan sameysto gaarigayga goonida ah waxayna igu qaadatay bil inan dhammeystiro qeybta ugu adag mashruuca.

Marka laga soo tago taayarada baabuurka, biraha iyo agabyada kale waxaa uu ka helay waddankiisa. Wuxuu ku rakintay matoorka mootada. Waxaana udhan hoonka, bareegga iyo wixii la halmaala.

Laakiin howshiisu fari kama qodna. Wuxuu doonaya inuu dabool, muraayado, suumanka fadhiga iyo wixii lamid ah ku dhammeystiro hal-abuurkiisa. Waxa intaas dheer oo uu ku taamayo – waa inuu gaarigiisa ka dhigo automatic – kana tago adeegsiga badan ee marshada si uu ugu raaxaysto qof walba ku safarkiisa.

Ilaa iyo hadda adduun dhan 2,000 oo doolar ayaa uga baxay mashruuciisa. Wuxuuse ku warwaraaya maalin un inuu baabuur-sameeye weyn noqdo lagana iibsado wax soo saarkiisa.

Wuxuu noqday halyey usoo baxay dadkiisa maadama uu noqday qofkii ugu horreeyey waddankiisa e ku dhiirrada baabuur sameynta.

Natiijada hordhaca ee mashruuciisa ayaa hadda maraya meel wanaagsan waxaana uu dabool saaray baabuurkiisa. Waxaana sidoo kale uu ku xiray leerar.

Wuxuu hamigiisu yahay inuu sameeyo birhaadda ama diyaaradaha helicobterka ah.

Waxaase agtiisa hadda sahal ka ah inuu sameeyo baaskiillada kuwooda ugu quruxda badan.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: zakariya@himilonetwork.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!