MUQDISHO (HN) — Sannad kasta, Muslimiin badan ayaa safka dheer u gala goobaha lagu qalo xoolaha si ay Ilaahay ugu hibeeyaan qurbaankooda inta lagu jiro saddexda maalmood ee Ciiddul Adxa.
Laakiin sannadahan Muslimiintu waxay baadigoobayaan hab sahlan kana fudud sidii hore oo ay adeegaas ku qabsan karaan si loo xakameeyo faafitaanka xanuunka Covid-19.
Gudaha magaalada Dubai si kastaba, waxaa ka socda barnaamij ay qabaneyso hey’adda Dar Al Ber Society kaas oo qofka u fududeynaya in loo bireeyo neefkiisa isaga oo jooga gurigiisa. Waxaana loo furay app ay iska soo diiwaangelin karaan codsadayaasha oo la yiraahdo DubaiNow.
Hadafka ugu weyn ee laga leeyahay ayaana ah inaan la iskugu imaanin goobaha lagu qalo xoolaha lana yareeyo ciriiriga iyo is dhex yaaca abuurmi kara.
Marka loo eego Dr. Mohammed Suhail Al Muhairi, hadafku waa in sidoo kale lala tacaali karaa faafitaanka xanuunka Corona xilliyada ciidda.
You must log in to post a comment.