crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Donald Trump oo loogu yeeray inuu Masjid ku yaal London soo booqdo | HimiloNetwork
Britain's opposition Labour Party leader Jeremy Corbyn speaks on the BBC's Andrew Marr Show in London, January 17, 2016. REUTERS/Jeff Overs/BBC/Handout via Reuters . SAP is the sponsor of this coverage which is independently produced by the staff of Reuters News Agency.

Donald Trump oo loogu yeeray inuu Masjid ku yaal London soo booqdo

Muqdisho (Himilonews) – Hoggaanka xisbiga mucaaradka Britain ayaa ku casuumaya Donald Trump, kaas oo Maraykanka ku tilmaamay dhibane Muslimiin loona baahan yahay in Muslimiinta laga mamnuuco gudaha USA, inuu la booqdo masjid ku yaalla London.
Faallada hoggaanka xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn ayaa daba socta kal-fadhigii shalay ee barlamaanka ee lagu diiday inuu Trump soo gali karo UK. 
“Waxaan go’aansaday inaan Trump ku casuumo deegaanka layga soo doorto waayo wuxuu dhib ku qabaa Mexican-ka ee ma ahan Muslimiinta kuwa uu dhibka ku qabo,” Jeremy Corbyn ayaa u sheegay BBC-da. 
“Sidaad ogtihiin afadaydu waa Mexican: halkan aan ka dooranahayna waa meel kulmisa dad kala dhaqamo ah. Marka waxaan rabaa inuu yimaado halkan kadibna aan ula baxo dhanka Masaajidda si uu ula hadlo Muslimiinta,” ayuu sii raaciyay. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!