HomeDunida Muslimka"Dheh - Noolow Sanamyahow ama Dhimo." - Muslimiinta Hindiya oo iimaankooda lagu...

“Dheh – Noolow Sanamyahow ama Dhimo.” – Muslimiinta Hindiya oo iimaankooda lagu heysto!

MUQDISHO (HN) – Dhacdo si weyn u dhalisay caro iyo cambaareyn ayaa ka dhacday deegaanka Lambhua ee degmada Sultanpur halkaas oo laba dhallinyaro Muslimiin ah la sheegay inay garaaceen koox Hindu mayal-adag markii ay ka biya-diideen inay ku dhawaaqaan halku-dhegga “Jai Shri Ram.”

Weerarkan oo dhacay horraantii toddobaadkan ayaa muuqaal laga duubay uu si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Muuqaallada la baahiyay ayaa muujinaya weeraryahannada oo laad iyo dharbaaxo ku garaacaya labada dhallinyaro xilli ay ku fadhiyeen mooto. Intaas kaddib, waxay si xoog ah uga dejiyeen mootadii ay saarnaayeen.

Fiidiyowyada waxaa sidoo kale laga maqlayaa kooxda weerarka geysanaysa oo weydiinaysa labada dhallinyaro: “Bharat mei hokar Jai Shri Ram nahi bologey?” oo macnaheedu yahay: “Adigoo Hindiya ku nool miyaadan oranayn ‘Jai Shri Ram’?”

Wararku waxay intaas ku darayaan in weeraryahannadu ka dalbadeen dhibbanayaasha taleefannadooda gacanta isla markaana isku dayeen inay ka qaataan mootadii ay wateen.

Booliiska deegaanka Lambhua ayaa sheegay inay si iskood ah u bilaabeen baaritaan markii ay arkeen muuqaallada sida weyn u faafay. Sarkaalka booliiska ee deegaanka ayaa xaqiijiyay in la aqoonsaday labada qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka isla markaana la sameeyay kooxo u xilsaaran soo qabashadooda.

Sarkaalku wuxuu sheegay in marka la soo xiro eedeysanayaasha la marin doono dhammaan habraacyada sharciga ee ku habboon. Ilaa hadda, lama shaacin in cid loo xiray dhacdadan.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments