HomeWararkaGuddoomiye Gobol oo lunsatay lacago badan oo doonaysa inay kaga baxsato Afduub...

Guddoomiye Gobol oo lunsatay lacago badan oo doonaysa inay kaga baxsato Afduub been ah.

MUQDISHO (HN) – Nancy Nápoles iyo walaasheed ayaa 31-kii May waxaa laga afduubtay meel u dhow guriga duqa magaalada Tenancingo. Saddex nin oo hubeysan ayaa la sheegay inay Nancy ku qasbeen inay raacdo gaari ay wateen xilli ay kusii jeeday gurigeeda. Goobjoogayaal ayaa markiiba booliiska ku wargeliyay dhacdada, waxaana la bilaabay baadi-goob ballaaran.

Nancy ayaa wax yar kaddib laga helay waddo cidlo ah waxayna ka codsatay dad marayay goobta inay ula xiriiraan ninkeeda. Hayeeshe, dhacdadu kuma ekaan afduubka oo keliya, balse waxay isu beddeshay fadeexad heer qaran ah oo la xiriirta eedeymo ku saabsan musuqmaasuq, lunsashada hantida dowladda hoose iyo afduub la sheegay in lasoo abaabulay.

Baarayaasha Mexico ayaa muddo saddex bilood ah ku daba-jiray kiiska iyaga oo wareystay Nancy, qoyskeeda iyo saddexdii nin oo lagu eedeeyay afduubka oo markii dambe la qabtay. Intii baaritaanku socday, waxay sheegeen inay heleen is-waafaq la’aan ku jira sheekooyinka la bixiyay.

Nancy waxay booliiska u sheegtay in afduubayaashu ugu hanjabeen inay dili doonaan iyada iyo qoyskeeda haddii aysan la shaqeyn iyo inay ka dalbadeen madax-furasho dhan 40 milyan oo peso si loo sii daayo, isla markaana kula taliyeen inay lacagtaas ka qaadato khasnadda dowladda hoose haddii aysan haysan. Waxay sidoo kale sheegtay inay ka baxsatay afduubayaasha markii ay ka faa’iidaysatay dayacaaddooda.

Si kastaba, baarayaashu waxay ogaadeen in ninka Nancy iyo walaalkeed ay ahaayeen kuwii la xiriiray afduubayaasha isla markaana lacag ku siiyay inay soo abaabulaan afduubka. Qorshahoodu wuxuu ahaa in madax-furashada 40-ka milyan ee peso laga bixiyo lacagta dowladda hoose si loo qariyo qorshe lunsasho hantiyeed oo la sheegay inay Nancy hormuud ka ahayd.

Qiraallada ay bixiyeen afduubayaasha ayaa saldhig u ah dacwadda waxaana taageeraya caddeymo kale. Baarayaashu waxay sheegeen in ninka Nancy iyo walaalkeed la xiriireen afduubayaasha ku dhowaad 150 jeer kahor afduubka, isla markaana hadda la la’yahay iyada oo loo haysto inay baxsad yihiin. Mid kamid ah wicitaannada la duubay ayaa la sheegay in ninkeedu uu afduubayaasha ugu ballanqaaday $28,000 si ay u fuliyaan qorshaha.

Nancy Nápoles waxay weli si adag u beeninaysaa dhammaan eedeymaha kuna adkeysanaysa in arrintani ay tahay shirqool lagu doonayo in lagu burburiyo mustaqbalkeeda siyaasadeed. Waxaa loo yeeray inay markhaati ka bixiso kiiska 9-ka Luulyo, balse ilaa hadda wax dacwad rasmi ah laguma soo oogin.

Waxay warfidiyeenka u sheegtay: “Si cad ayaan u beeninayaa eedeymahan. Waxba kama jiraan, maadaama xaaladda dhaqaale ee dowladda hoose ay wanaagsan tahay.”

Haddii dambiga lagu helo, Nancy Nápoles iyo dadka lala eedeeyay waxay wajihi karaan xabsi gaaraya 16 sano.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments