HomeDunida MuslimkaCiidul-Adxa oo ku beegan 31 July.

Ciidul-Adxa oo ku beegan 31 July.

RIYAD (HN) — Ciidul-Adxa waxay ku beegan tahay maalin Jimco ah 31 July, marka loo eego mareegta Moonsighting.com oo saadaasheeda ku jaangoysay tirsiga dayaxa.

Bisha Carafo ayaa dhalan doonta 20 bisha July. Sida ay sheegtay mareegtuna, dhalashada bisha in badan lagama wada arki doono dunida dhan.

Waxay intaas kusii dartay in bilashada Ciidul-Adxa si aan wada muuqan looga arki doono Hindiya, Pakistan iyo Bariga Dhexe, balse caadyaal looga arki doono qaaradda Afrika, Kanada iyo Koofur Amerika.

Ciidda ayaa kusoo aadaysa xilli sannadkan ay Muslimiin badan ku hungoobeen gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments