crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Caruusad iska diiday inay guursato caruuskeeda oo isla xafladda ku guursatay nin kale! | HimiloNetwork

Caruusad iska diiday inay guursato caruuskeeda oo isla xafladda ku guursatay nin kale!

Bihar (Himilonews) – Nin caruus ah ayaa la qarracmay inuu indhihiisa ku arko gacalisadiisa oo guursaneysa nin kale – halkii ay isaga ka guursan laheyd xilli xafladdu ay ka soctay hool weyn oo uu kireeyey.
Dhacdadan ayaa kasoo shaac-baxday bilowgii toddobaadkan degmada Bihar ee dalka Hindiya.
Marka loo eego xubnaha qoyska caruuska, lamaanaha ayaa markii ugu horreysay kulmay kadib kolkii labada waalid ee dhalay gabadha iyo inanka ay ku heshiiyeen inay isku guuriyaan.
Qoyska labada lamaane ayaa qaban-qaabiyay xafladda arooska, hayeeshe caruuska ayaa ku fashilmay inuu soo kireeyo DJ muusikiste. Markii caruusaddu ay timid xafladda waxay ka xumaatay inaysan goobta ku sugneyn muusigleyda DJ.
Wuxuu caruusku isku dayay in qoyska caruusadda uu ka dhaadhiciyo arrinta iyo siday ku dhacday inaan lasoo kireynin muusigleyda. Wuxuu ku dadaalay inay dhameystiraan xafladda arooska. Hayeeshe dhamaan dadaalladaasi waxay noqdeen fashil.
Caruusadda ayaa intaas kadib martidii iskugu timid goobta ka baadi-goobtay caruus ku habboon oo ay dhisato. Waxay dooratay Jitendra Kumar, waxayna ku hor guursatay ninkii ay guursan laheyd oo caraysan.
Sababo aan la caddaynin ayaa tilmaamay in caruusaddu aysan dhib u arag inay guursato Kumar tiiyoo aysan helin DJ muusig u garaaca.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!