MUQDISHO (HN) — Taniyo sannadkii 2013-ka, markii la bilaabay Afur-wadareedka ‘Open Iftar’, hadafku wuxuu ahaa isu-keenidda iyo wada-hadalka bulshooyinka Muslimiinta ah iyo kuwa la jaarka ah.
Kaddib laba sannadood oo aanu sidii loo qaban jiray u qabsoomin – jiritaanka Covid-19 awgiis – sannadkan dib ayaa loo anba-qaaday.
Ujeedada ugu weyn waa in ardayda ka yimid dunida kale ee ku nool UK loo sahlo goobo ay ku afuraan. Hadda, waxay noqotay dhacdo-sannadeedka ugu weyn gudaha UK ee la qabto bisha Soonqaad. Waxaana ka afura kumaankun qofood mashruuca oo ay hoggaamiyaan samafalayaal badan.
Dalalka Zambia iyo Turkiga ayaa sidoo kale mashruucani si habsami leh looga qabtaa gudaha bishan.
“Waxaanu dooneynay in joogitaan guri aan uga dhigno kuwa guryahooda kasoo fogaaday; xoojinno xiriirrada soona bandhigno quruxda Islaamka,” ayuu yiri afhayeen u hadlay.
“Hindisahani wuu sii fiday – isaga oo ka ballaartay hadafkii marka hore loo jideeyey oo ahaa caawimada ardayda wax-barashada u jooga UK.”


You must log in to post a comment.