HomeDunida MuslimkaMuslimiinta Queenstown oo helay Masjidkii ugu horreeyey.

Muslimiinta Queenstown oo helay Masjidkii ugu horreeyey.

MUQDISHO (HN) — Muslimiinta ku nool magaala-dalxiiseedka  Queenstown, New Zealand, oo sidoo kale quruxdeeda lagu halqabsado, ayaa u dabaal-degaya guusha ay kasoo hoyeen dhismaha Masjidkii ugu horreeyey oo ay ka dhistaan magaalada.

“Waxaan ku faraxsannahay inan guntii helnay masjid aan wadajir si midaysan ugu wada cibaadeysan karno,” ayuu yiri Mohammad Nadheem, oo ah guddoomiyaha Queenstown Islamic Centre.

“Kahor dhismihiisa, waxaanu ku dukan jirnay goobaha dadweynaha – innagoo ijaaranayna,” ayuu sii raaciyay.

Gu’yaal badan, Muslimiinta Queenstown waxay ku dukan jireen guryaha, kaniisado ay kireystaan ama waxay lug ku aadi jireen gaarista masjidka ugu dhow.

Masjidka ugu dhow masaafo ahaan wuxuu u jiraa 200km oo ah Dunedin.

Queenstown waa magaalo dalxiis oo ku taalla dhul-u-egta koofureed ee New Zealand.

Bulsho Muslimiin ah oo kooban ayaa ku nool magaalada, waxaase sannad kasta soo booqda dalxiisayaal Muslimiin ah .

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments