HomeDunida MuslimkaMuslimaddii ugu horreysay oo Xubin Barlamaan ka noqota Dalka Serbia.

Muslimaddii ugu horreysay oo Xubin Barlamaan ka noqota Dalka Serbia.

MUQDISHO (HN) — Misala Pramenković ayaa sameysay taariikh cusub kaddib markii ay noqotay Muslimaddii ugu horreysay oo kamid noqota barlamaanka Sweden.

Waxay kamid noqotay xubnaha cusub oo barlamaanka uga mid noqday Xisbiga Cadaaladda iyo Dib-u-heshiisiinta oo uu hoggaamiyo Muamer Zukorlić, Muftigii hore ee Serbia.

Waxay borofeesar culuumta Islaamiga ka ahayd Madrasada Gazi Isa-beg

Waxay sheegtay inay isku taagi doonto wax ka qabashada xaaladaha nololeed oo ay ku nool yihiin xubnaha nugul ee qoysaska sida carruurta iyo haweenka.

Kamid noqoshadeeda barlamaanka, waxay albaabka cusub u furaysaa haweenka.

“Mala-awaalka iyo laab-la-kaca waxaa sal u ah aqoon-darri,” ayay tiri.

Marka loo eego tirakoobkii laga sameeyey dalka Serbia, tirada Muslimiinta dalkaas waxaa lagu qiyaasay 228,658 oo 3% tirada guud ee waddanka. Waxaase la sheegayaa inay tiradu intaas kasii badan tahay.

Muslimiinta Serbia waxay ku nool yihiin Novi Pazar, Tutin iyo Sjenica oo katirsan gobalka  Sandžak.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments