HomeDunida MuslimkaSahan -- Dhalinyarada Induniisiya oo si dadban u xaadiraya Khudbadaha Masaajidda.

Sahan — Dhalinyarada Induniisiya oo si dadban u xaadiraya Khudbadaha Masaajidda.

JAKARTA — Dhalinyarada Induniisiya ayaa dhaqankii hore ee kutubo-ka-raacashada Masaajidda u wareejinaya qaab online ah inay ku bartaan diinta Islaamka, sida lagu yiri cilmi-baaris cusub oo la sameeyey, marka loo eego Jakarta Post.


“Youtube-ka waxaan ka heli karaa dhammaanba macluumaadka diiniga ah oo aan u baahanahay,” ayuu yiri Fitria Jamal.

25-jirkan ka shaqeeya Bangi gudaha ah ayaa kamid ah kumaankun ardayda ah ee ku tixan daaciga Abdul Somad.

Daraasaddan oo ay sameysay xarun xiriir la leh Jaamacadda
Syarif Hidayatullah Islamic State University (UIN) ayaa lagu sheegay in dhalinyaradu aanay in badan u imaanin masaajidda inay kutubo ka raacdaan.

Da’da u dhaxeysa 17-24 jirka ayaa la ogaaday inay aad u doorbidaan dhageysiga khudbadaha tooska ee ka socda baraha bulshada – in ka badan kuwa laga raacdo xarumaha cilmiga iyo masaajidda.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments