HomeDunida MuslimkaShirkad - beddelkii Muusiga - Duullimaadyadeeda u daaraysa Qasiido Nabi-amaan ah!

Shirkad – beddelkii Muusiga – Duullimaadyadeeda u daaraysa Qasiido Nabi-amaan ah!

MUQDISHO (HN) — Shirkadda Duullimaadyada ee Pakistan International Airlines (PIA) ayaa go’aansatay inay rakaabkeeda kusoo dhaweyso Nashiidada  Burda Sharif, oo ah mid lagu amaanayo Suubanaha NNKH – halkii lagu soo dhaweyn lahaa muusig dabacsan.
Go’aanka waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Shirkadda, Marshal Arshad Malik.
Nashiidada waxaa si gaar ah loogu daarayaa duullimaadyada u socda magaalooyinka Jeddah iyo Madiina.
Shirkaddan ayaa aalaaba sameysa ducada safarka duullimaadyada ay dunida ku kala bixiso.
 
 
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments