HomeDunida MuslimkaSadio Mane oo la arkay isaga oo Nadiifinaya Musqulaha Masjidka Liverpool.

Sadio Mane oo la arkay isaga oo Nadiifinaya Musqulaha Masjidka Liverpool.

Liverpool (Himilonetwork) – Xiddiga Sadio Mane ayaa la arkay isaga oo nadiifinaya Masjidka magaalada Liverpool xilli kooxdiisu ay 2-1 uga badisay naadiga Leicester.
Muuqaalka laga soo duubay ayaa ku baahay baraha bulshada isaga oo nadiifinaya musqulaha Masjidka.
Masjidka ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Al-Rahma Mosque kaas oo Mane uu si joogto ah u booqdo xilliyada salaadda.
Taageerayaasha ayaa bogaadiyay falkan.
“Waa qof is-dul-dhig badan,” ayuu soo qoray mid kamid ah taageerayaasha.
Si rasmi wali looma xaqiijin in qofka kasoo muuqanaya muuqaalkan uu yahay Sadio Mane.
“Diintu aad bay iigu muhiimsan tahay. Waan dukadaa shanta waqti ee salaadaha,” ayuu yiri sannadkii 2016 isaga oo la hadlaya DailyMail.
Wuxuu kasoo jeedaa dal 90% ay dadkiisu yihiin Muslimiin.
Waxaa lagu yaqaan kaalmadiisa.
Wuxuu ku deeqay adduun dhan £200,000 xaafaddiisa Bambaly, oo uu kasoo jeedo si looga dhiso dugsi wax lagu barto iyo sidoo kale mashruuca la-dagaalanka Aids-ka ee dalka Malawi.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments