Lagos (Himilonews) – Hooyo ayaa cunugeeda yar ka iibsatay kuwa dadka ka ganacsada ‘Human Traffickers’ waayo waxay rabtay inay hesho lacag ay ku gadato mooto , marka loo eego booliska dalka Nigeria.
Bilayska Anambra ayaa sheegay inay xireen 24-jirta lagu magacaabo Oluchi Emeobi kadib markii ay cunigeeda laba bilood jirka ah ka iibisay haweeney aan la heyb-sheegin.
Saaxiibteed Nchedoch Richard oo 26-jir ah ayaa sidoo kale lala xiray maadaama ay ka caawisay inay cunugeeda la iibiso.
Emeobi waxaa lagu qaaday xukun ku hoos dhasha ciqaabta ay mutaan dad-ka-ganacsadayaasha.
Marka loo eego baaritaanka booliska, Emeobi ayaa dhashay cunug caafimaad qabta laba bilood kahor. Â Saaxiibada Emeobi iyo ehelladeeda ayaa shaki uu ku dhashay markii ay cunuga waayeen. Waxaana markaas loo yeeray booliska.
Qacdii horaba, Emeobi ayaa sheegtay in cunuga ay ku wareejisay gabar u xanaanaysa kadibna ay kala dhuumatay.
Ugu danbeyntii waxay qiratay inay iibsatay cunugeeda si ay u hesho lacag ay ku gadato mooto ay ku socdaasho.
Booliska ayaa la wareegay mootada, waxay jeelka dhigeen iyada iyo saaxiibteed.
Isha: radiohimilo.so