Muqdisho (Himilonews) – Mid ahmiyad weyn laheyd ayaa lagu gaaray xaslinta heshiiska wada-hadal ee ay gaareen Turkiga iyo Israel, ku xigeenka wasiirka koobaad Numan Kurtulmus ayaa ka dhawaajiyay, kadib markii saraakiishu tilmaameen in heshiiska loo gaaray in lagu idleeyo xanaf ka timid dhacdadii 2010.
Gudaha shir warfidiyeenka loogu qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay heshiis lagu xasilinayo xiriirka siyaasi iyo diblomaasiyadeed ee Israel la leedahay dalka Turkiga kadib markii uu mugdi galay taniyo natiijadii ka dhalatay weerarkii Israel ku qaaday kolonyadii gargaarka ee Turkigu usoo diray Gaza ee dhulka Filastiin bishii May sanadkii 2010.
Si walbaba, Netanyahu wuxuu sheegay in cunaqabadka Israel kusoo rogtay Gaza uu ku hari doono mid xakame adag xittaa heshiiskan – isaga oo u tilmaamay kooxaha gargaarka inay deeqdooda Gaza ku socta usoo marsiiyaan dekadaha Israel.
Heshiiskan ayaa ahaa hoobaan muddo loo madlanaa biseylkeeda oo ka dhashay xiriir diblomaasiyadeed hoose oo ay wada yeesheen saraakiisha labada dal ee Israel iyo Turkiga taniyo sanadkii hore.
U eegista heshiiskan, laba weydiimood ayaa sara-taagan: Sabab hadda? Iyo in intee la’eg ayuu joogto noqon doonaa?
Ruug-cadaaga diblomaasiga ah, Ozdem Sanberk, kaas oo Turkiga u qaabilsanaa baaritaanka kolonyadii gargaar ee Mavi Marmara ee degtay, ayaa sheegay in heshiisku uu u egyahay inuu asteeyo bilowga dhamaad ee gooni-socodnimada Turkiga ee gobalka Bariga Dhexe.
Wuxuu tilmaamay in isku dhawaanshiyaha Turkiga-iyo-Israel ay xasilooni ku yeelan karto gobalka – iridna u noqon karto heshiisyo kale oo lagu kala dhoofsanayo gaaska dabiiciga ah iyada oo la marsiinayo dhuumaha Turkiga.
“Turkigu wuxuu rabaa inuu idleeyo diblomaasiyadiisa xabisan taas oo si cad u waxyeeleysa danahiisa,” ayuu Sanberk u sheegay al-Carabiya English.
“Israel-na waxay garwaaqsan tahay inaysan Turkiga la’aantiis tallaab horumar fiican leh ka sameyn Karin ilaheeda gaaska dabiiciga ah,” ayuu sii raaciyay.
Tallaabooyin
