MUQDISHO (HN) – Ciyaaryahanka xulka Cape Verde, Steven Moreira ayaa ka sheekeeyay safarkiisii qaadashada diinta Islaamka isaga oo sheegay in aragtida saaxiib Muslim ah oo uu arkayay isagoo si joogto ah u tukanaya una soomaya bisha Ramadaan ay ku dhalisay xiisaha uu u qabo Islaamka.
Isaga oo la hadlayay Qalby Studio, Moreira wuxuu sheegay in xiisihiisu uu ka bilowday markii uu maalin kasta arkayay saaxiibkiis oo tukanaya isla markaana soomaya bisha barakeysan ee Ramadaan.
Wuxuu yiri: “Waxaan arkayay saaxiibkay oo maalin kasta tukanaya isla markaana soomaya bisha Ramadaan. Waxaan bilaabay inaan su’aalo weydiiyo dabadeedna aniguba waan tijaabiyay. Intaas kaddib ayaan Islaamka qaatay,” ayuu yiri.
Moreira wuxuu qirtay in go’aankaasi uusan markii hore u fududayn maadaama uusan kusoo korin qoys Muslim ah, isla markaana uu ka baqayay sida qoyskiisu uga falcelin doonaan.
Wuxuu yiri: “Kuma aanan soo korin qoys Muslim ah, sidaas darteed waan cabsanayay markii hore. Ma aanan garanayn sida qoyskaygu uga falcelin doono qaadashadayda Islaamka.”
Si kastaba, wuxuu sheegay in qoyskiisu ay si wanaagsan usoo dhaweeyeen go’aankiisa, taas oo qalbigiisa dejisay.
“Markii aan u sheegay, waxay igu yiraahdeen: ‘Hadda waxaad noqotay qof ka wanaagsan sidii hore.’ Alxamdulillaah!”
Sheekada Moreira ayaa taabatay quluubta Muslimiin badan oo xusuusiday in camallada wanaagsan sida salaadda, soonka bisha Ramadaan iyo akhlaaqda wanaagsan ay si deggan ugu dhiirri-gelin karaan dadka kale inay wax badan ka bartaan diinta Islaamka.
Xulka Cap Verde ayaa wacdaro fiican ka sameeyey Bandhiggii Koobka Adduunka oo dhawaan soo idlaaday. Waxayna ku hareen wareegga 32.