HomeDunida Muslimka"Xijaabka iska dhig ama Shaqada isaga tag." - Macalimad Muslimad oo shaqadeeda...

“Xijaabka iska dhig ama Shaqada isaga tag.” – Macalimad Muslimad oo shaqadeeda laga hor istaagay!

MUQDISHO (HN) – Samreen Bano, oo ah bare Muslimad ah oo ku nool magaalada Varanasi ee gobalka Utter Pradesh, dalka Hindiya waxaa lagu wargeliyay inay kala doorato labo mid: tan koowaad oo ah inay iska reebto xirashada xijaabka ama ay isaga tagto shaqada gebi ahaanba. Go’aankan ayaa yimid maalin un kaddib markii ay ka shaqo bilowday mid kamid ah dugsiyada magaalada.

“Dunidan casriga ah, waxaa adag in gabar Muslimad ah oo bare ah ay nolosha ka sameyso is-beddel,” ayay ku tiri muuqaal cabasho ah oo ay soo dhigtay barta Instagram-ka iyada oo walaac ka muujisay go’aanka taabanaya diinteeda iyo waxa ay qof ahaan aaminsan tahay.

“Xattaa marka koowaad oo lagu arko waxaa laguugu eegayaa fiiro sirgaxan oo argagax leh – qofna ma rabo inuu ubadkiisa ku aamino macalimad Muslimad ah,” ayay sii raacisay – iyada oo xustay in sidoo kale cuqdigaas lagu beeray isla carruurta laftooda.

Samreen waxay sheegtay in markii laga qaadayay waraysiga – loona qaadanayay shaqada bare-nimada aan su’aal laga keenin xirashadeeda xijaabka, balse wax walba ay is beddeleen maalintii koowaad ee heeganka shaqadeeda. Dastuurka Hindiya ayaa si cad u diidaya faquuqa diimeed oo lagula kaco Muslimiinta Hindiya, haddana waxaa muuqata in Xisbiga BJP uu si weyn qeyb uga qaadanayo naceybka ka dhanka ah Muslimiinta iyo Islaamka si guud ahaaneed.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments