MUQDISHO (HN) – Goobjooge ay muuqaallada duubeen isaga oo garba-duubaya kaddibna qoriga ka fara-maroojinaya dilaa nolosha dhaafiyay 11 qof oo Yuhuud ah xilli ay ka qeybgaleen xaflad ka dhacaysay dalka Ustaraaliya ayaa loo aqoonsaday halyay badbaadiyay nolosha dad kale oo uu dilaagu nafta naafin lahaa haddii uusan kahor-joogsan.
Waa Geesi Qaran
Sida ay kusoo warramayaan warbaahinta dalkaas, halyayga 43 jirka ah waa nin Muslim ah oo ku nool caasimadda Sidni. Waxaana lagu magacaabaa Ahmed al Ahmed.
Warbaahinta oo soo xiganaysa wiil la dhashay ayaa sheegtay in Axmed ay ku dhacday labo xabbadood markii uu isku-dayga hub-ka-dhigista ah ku sameynayay dilaaga. Wuxuuna hadda ku jiraa isbitaalka.
“Hadda isbitaalka ayuu ku jiraa: mana aqaan waxa uu ku sugan yahay,” ayuu yiri. “Waxaan kaliya kuu sheegi karaa inuu yahay halyay geesi ah.”