MUQDISHO (HN) – 74 jir ku nool gobalka Bihar ee ugu faqrisan dalka Hindiya – ahna howlgab horay uga tirsanaa ciidanka cirka ee dalkaas – ayaa dhimashadiisa ka been sheegay bal si uu u ogaado cidda kasoo qeybgali doonta hadduu lacalla dhab u dhinto.
Dadka reer Bihar waxaa naxdin ku noqotay maqalka geerida Mohan Lal, waxayna usoo degdageen tacsidiisa – iyaga oo xigtadiisa iyo ehelkiisa hoose la qeybsanaya tiiraanyada dhimashadiisa. Balse markii cabbaar loo fadhiyay halka meydkiisu yiillay, Mohan wuxuu dadkiisa kaga yaabsaday inuu kasoo kacay jiifka: qofna maanu awoodin inuu hadlo. Afkoodii ayaa juuqda gabay naxdin iyo qaracan aawadiis.
Mohan wuxuu u sheegay dadkii tacsadiisa kasoo qeybgalay inuu tijaabinayay jaceylka ay u qabaan iyo sida hadduu dhab u dhiman lahaa ay uga soo qeybgali lahaayeen tacsidiisa.
“Dhimashada kadib dadku waxay degta saartaan meydka kadibna waxay usoo sagootiyaan halka lagu gubayo – aniguse waxaan rabay inaan ogaado kuwo iigu dhow ee ka xanuunsanaya dhimashadayda,” ayuu yiri.
“Waxaan rabay inaa naftayda la ogaado cidda danaynaysa iyo cidda kale inta aan noolahay,” ayuu sii raaciyay.
Mohan wuxuu, si loo rumeysto warka geeridiisa, qoyskiisa ku amray inay baahiyaan oo dadka u sheegaan inuu dhintay – xattaa wuxuu faray inay u qaadaan meesha lagu gubo meydka si dhab loogu maleeyo inuu dunida ka dhammaaday! Boqollaal shacab ah ayaa soo xaadiray halka geeridiisa lagu sheegay oo ahayd gurigiisa. Waxayna taas, sida uu sheegay, uu ka fahmay xushmadda iyo kalgacalka badan ee loo qabo.
Qof walba camalkiisa wanaagsan un baa wax u taraya geeridiisa, jaceylka iyo xushmadda adduunyadan loogu hayana ma ahan mid uu kala tagayo ifka.