HomeDunida MuslimkaSawirro - Kaniisad 150 jir ah oo loo beddelay Masjid.

Sawirro – Kaniisad 150 jir ah oo loo beddelay Masjid.

MUQDISHO (HN) — Masjidka Masjid-e-Taqwa oo horay u ahaa Kaniisad la yiraahdo St Chad waxaa toddobaadkan markii koowaad lagu oogay salaadaha.

“Waxaan isku daynay inaan qaabkii hore oo ay u dhisneyd aan sideeda u dayno balse aan si fiican u qurxinno gudaha,” ayuu yiri afhayeen u hadlay.

Muuqaalka kore weli waxaad fahmi kartaa inay ahayd kaniisad balse hadda waxaa lagu oogayaa salaadaha waana masjid ay Muslimiintu leeyihiin. Kaniisadda ayaa jirtay 150 sanno kahor inta aan la iibsan si looga dhigo Masjid.

180 qof ayaa mar kaliya ku dukan karta, waxaana u dhan goob weyso-qaad iyo suuli. Bannaankana waxaa loo sameeyey ardaa yar oo baabuurta la dhigto.

Xubno kamid ah golaha deegaanka Blackburn oo booqday Masjidka ayaa bogaadiyay dhismaha cajiibka leh ee loo sameeyey.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments