HomeLa-yaabkaNin gabar ay kala hareen weydiisanaya inay usoo magto lacagihii uu ku...

Nin gabar ay kala hareen weydiisanaya inay usoo magto lacagihii uu ku qarashgareeyey.

MUQDISHO (HN) — Nin ku nool magaalada Shanghai, dalka Shiinaha ayaa dhawaan qabsaday hadalheynta kaddib markii uu jaceylkiisii hore oo xiriirka u jartay uu weydiistay inay cawilceliso ama magdhow ka siiso lacagtii uu ku qarash gareeyey intii ay wada socdeen.

Liis gaaray saddex bog oo ay ku qoran yihiin qaan wixii uu ku lahaa maalmihii ay wada socdeen sida lacagihii uga baxay cunnooyinka, make-up-keeda iyo wixii soo raaca ayuu weydiistay inay usoo magto. Waxaa isu-geynta wadarta guud lagu qaddaray 9,000$.

Waxaa xattaa uu soo raaciyay waqtigii, maalintii iyo taariikhdii ay ahayd lacag walba oo ay ka qaadday iyo wixii ay rabtay inay kusoo iibsato. Hadalheyn badan ayuu ka abuuray gudaha Shiinaha sheekada ninkan. Waxaana lagu kala aragti duwanaaday sax ahaanshiyaha sida wax u socdaan. Wuxuu jaray xuduudaha isaga oo xattaa weydiistay inay usoo magto lacagtii uu siiyay markii ay hooyadeed ka xanuunsaneyd.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments