crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xiaobin – “Fiidiyo-game uu ciyaari jiray ayuu ka qaaday xanuunka Qalalka.” | HimiloNetwork

Xiaobin – “Fiidiyo-game uu ciyaari jiray ayuu ka qaaday xanuunka Qalalka.”

BEIJING (HN) — Wiil 15 jir ah ayaa loola cararay isbitaalka kaddib markii uu ku dhacay xanuunka qalalka ‘stroke’ kolkii uu si joogto ah ugu ciyaaray fiidiyow-game muddo bil ku siman.

24-kii saac wuxuu ka hurdi jiray laba saac oo kaliya. Inta kale wuxuu ku mashquulsanaa ciyaarta fiidiyowgame-ka.

Inankan oo lagu magacaabo Xiaobin wuxuu sida inta kale ku xayirnaa gurigiisa. Balse wuxuu isaga gaarkiisa ah ku qaadan jiray qolkiisa – isaga oo ku dhex ciyaaraya fiidiyow-game habeen iyo maalin.

Marka loo eego baaritaanka ay ku sameeyeen dhaqaatiirta, wiilkan waxaa ku dhacay qalal ka asiiba faraha iyo xoogga gacanta.

“Wuxuu dhexda iskaga soo xiray qolkiisa mana u furneyn daaqadaha,” ayay tiri hooyadiis. “Ma aqaan wixii uu ku sameynayay dhexdiisa, laakiin waxaan dareemayaa inuu marmar la hadli jiray saaxiibadiisa. Wuxuuna ii sheegay inaanu nasan ama jiifsan wax aan ka badneyn laba saacadood maalin walba.”

Markii uu ku dhex miir-daboolmay qolkiisa, waxaa loola cararay isbitaalka, halkaas oo la ogaaday inuu ku dhacay xanuunka qalalka. Dr. Li oo ku xeeldheer xanuunnada ku dhaca maskaxda ayaa u sheegay warbaahinta in isbeddelka joogtada ahaa oo uu sameynayay bishii lasoo dhaafay ay habka noloshiisa wax weyn ka bedeshay.

“Sababta ugu weyn oo uu ka qaaday qalalka waa heliwaaga hurdo iyo nasiino ku filan iyo cunno xumi usii dheer,” ayuu yiri.

“Nafaqo-darri iyo nasiino la’aan joogto ah ayaa ku keentay dhiig yaraan iyo inuu heli waayo oxygen ku filan oo quudin kara maskaxdiisa. Waana taas sababtii uu ugu dhacay qalalka.”

Wiilkan ayaa taniyo markaas waxaa daryeel caafimaad loogu sameynayaa isbitaalka, balse dhaqaatiirta ayaan hubin haddii uu dib u heli doono dareemadii qalalku kala tagay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!