crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xasuuqii Shinnida oo ka dhacay Maraykanka. | HimiloNetwork

Xasuuqii Shinnida oo ka dhacay Maraykanka.

Washington (HN) — Booliska ayaa doonaya inay ogaadaan ruuxii ka danbeeyey gubitaanka kolonyo shinni ah gudaha koofurta Houston.


Mid kamid ah dadka shinnida dhaqda ayaa arrintan ku tilmaamay musiibo foolxun.

“Waxaan kor taagannahay ku dhawaad 500,000-600,000 oo shinni ah kuwaas oo laga cirib-tiray arlada,” Steve Breckman, oo iibiya malabka shinnida ayaa u sheegay CNN-ka.

“In dunida maanta sidan loo dabar-jaro haraadiga shinnida wuxuu runtii sansaan qaraar oo tiiraanyo leh ka bixinayaa nolosheenna danbe sida aan u noolaan doono nolol aan suura-geli karin shinni la’aanteed.”

“Dhammaan nuucyada qudaarta oo aynu adeegsano ayaa laga waayi doonaa suuqyadeenna,” ayuu yiri. “Haddii aan laga taxaddarin nolosha Shinnida laga ilaalin inay dabargo’do.”


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!