crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waayeel afar basas usoo kala raacay si uu uga tacsiyeeyo Weerarkii NZ. | HimiloNetwork

Waayeel afar basas usoo kala raacay si uu uga tacsiyeeyo Weerarkii NZ.

MUQDISHO (HN) — 95 sanno jir u dhashay New Zealand ayaa afar bas usoo kala raacay goobta uu ku yaal Masjidka al-Noor oo dhawaan lagu laayay Muslimiin gaaraysa 50 xilli ay ku jireen salaadda Jimcaha.


“Habeenno badan ma jiifan; mana ledin hurdo raaxo leh, waayo waxay ahayd murugo. Maxaa yeelay kama seexan kartid tiiraanyada ay la jiifaan dadka ehelkooda lagu laayay arxan-darro,” ayuu yiri John Sato.

Sato, oo ah aayamaale horay uga soo shaqeeyey ciidanka NZ, ayaa soo booqday Masjidka si uu xanuunka ula qeybsado dhibanayaasha Muslimiinta ah.

Laakiin soo gaaristiisa Masjidka, kuma imaan sahal. Wuxuuna usoo kala raacay afar basas oo midkii ugu danbeeyey uu ku yimid goobta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!