crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shan sano kadib maanta iyo Osama Bin Laden! | HimiloNetwork

Shan sano kadib maanta iyo Osama Bin Laden!

Muqdisho (Himilonews) – 2-dii May 2011, madaxweyne Obama ayaa dunida u sheegay in Maraykanku uu fuliyay howl-gal ay ku dileen hoggaamiyihii urur-weynaha al-Qaacida Osama bin Laden.
Dhimashadiisa ayaa aheyd gabagabada howl-gal ee lagu baacsanayey mid kamid ah dadkii loogu doonista badnaa dunida Galbeedka. Kahor qaarijintiisa, Osama Bin Laden wuxuu soo diri jiray farriimo muuqaaleedyo uu kaga soo hor-jeedo ama uu ugu goodin jiray Maraykanka iyo xulufadiisa – isaga oo yabooh uga dhigi jiray inay dhadhamin doonaan xanuun iyo silic uu sheegay inay ku hayaan dunida Muslimka.
Sidee ayuu Bin Laden ku horumariyay ajendihiisa siyaasadeed – taniyo markii uu yimid Peshawar, dalka Pakistan sanadkii 1981? Sidee ayuuse wiilka ka dhashay qoyska tanaadka ku ah shidaalka ee reer Sucuudi -kaas oo ku biiray dagaalkii Afghanistan ee ka dhanka ahaa midowgii Sofiyeeti ku noqday mid kamid ah dadka aadka looga cabsado dunida Galbeedka?
Jawaabaha su’aalahan waxay ku saabsan tahay noloshiisa oo dhan oo sida laga bartay ku sargo’neyd taageero maaliyeed uu ku ayidi jiray fikirkiisii ahaa hirgalinta Shareecada Islaamka ee dunida Muslimka iyo galista dagaalladii ka dhanka ahaa kuwii uu u arkayey inay duullaan ku yihiin dunida Muslimka.
Dhacdadii Suudaan ee uu mashaariicda badan ka fuliyay si Suudaan iskaga filnaato taageero ka baxsan gudaheeda – taas badalkeeda ay dowladdu oggolaato in Bin Laden uu ajendihiisa Islaamiga ah uu ka fushan karo Suudaan kana dhigan karo sal-dhig taas oo ugu danbeyn sababtay in Suudaan cadaadis caalami ah lagu saaro irdheyntiisa ayaa ah sheeko kale oo noloshiisa qeyb kaga jirta.
Afghanistan oo uu dagaal socday wax ku dhow 10 kula galay Midowgii Soofiyeeti waa mid kamid ah sheekooyinkii dhinaca kale u rogay siyaasadda dunida taas oo isna dunida Galbeedka ku qasabtay inay ku baraarugaan saameyntiisa. Balse in intee la eg ayuu Maraykanku filayey in Osama uu kusoo jeesan doono kadib jabinta awooddii labaad ee dunida ee bariga ka jirtay -midowgii Soofiyeeti?
Afganistan, si kale, waa kadinkii uu kula madlanaa Osama inuu ku qaabilo awoodaha ay is hayeen – waloow uusan ku dhiman dalkaas ee uu ku geeriyooday Pakistan.
Si kastaba, reer Galbeed wali ma u heleen xal inay nugleeyaan ama ay gabagabeeyaan fikirka iyo awoodda ururweynaha al-Qaacidda kadib geerida Osama Bin Laden?
Isha: Mustaqbalradio.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!