crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta Qoys ay muddo lix sanno ah ugu negaadeen Isbitaal! | HimiloNetwork

Sababta Qoys ay muddo lix sanno ah ugu negaadeen Isbitaal!

MUQDISHO (HN) — Nin Shiinees iyo waalidkiisa ayaa go’aansaday in ka bixiyaan isbitaalka Beijing oo uu muddo lix sanno ah si joogto ah ugu noolaa kaddib markii muran xagga deynta ah uu dhex maray iyaga iyo maamulka.

Sannadkii 2014-ka, ninkan oo lagu magacaabo Tian waxaa luu gudbiyay isbitaalka Beijing kolkii uu dareemay xanuun liidaanyo iyo hungaaco leh. Waxaa la filayay maalmo kooban kadib inuu kasoo bixi doono isbitaalka. Laakiin muran ka dhashay lacagtii lagu soo dallacay ayaa keentay inuu muddo lix sano ah ku negaado isbitaalka. Qisadan ayaa toddobaadkii soo af-jarantay markii maamulka isbitaalka ay amreen in la saaro.

Markii ay waalidiintiisa usoo qaadayeen isbitaalka wiilkooda Tian, ma aysan fileyn inay usoo wada guuri doonaan – iyaga oo qolka uu inankoodu jiifo ka dhiganaya mid ay kula hoydaan.

Dawadii uu ka helay isbitaalka bixinteeda waxaa usii dheeraa oo la faray inuu bixiyo lacagta jiifka, diidmadii xigtay inuu lacagtaas bixiyo waxay la timid inuu ku jiro isbitaalka isaga oo maamulka ku eedeeyey inay dabin u dhigteen.

Wax walba ayay keensadeen qolka jiifka iyaga oo ugu noolaa sida gurigooda oo kale. Sannadkii 2019-ka, isbitaalka ayaa dacwad ka gudbiyay qoyskan – iyaga oo sheeganaya inay ku leeyihiin lacag dhan ($195,000). Waxayna sidoo kale soo raaciyeen caddeymo muujinaya in Tian aanu qabin wax cudur ah lagana saari karo isbitaalka. Waxay ku eedeeyeen inuu ka buuxinayo boos ay ku daweyn lahaayeen bukaannada u yimaada.

Toddobaadkii tagay, si kastaba, maxkamadda ayaa amartay in qoyskan isaga guuraan isbitaalka, balse ay helaan magdhow lacageed oo gaaraysa  480,000 yuan ($73,000).

Waxaana lagu galbiyay ambalaasta isbitaalka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!