MUQDISHO (HN) – Dhaqaatiirta New Delhi waxaa la yaab ku noqotay inay mindhicirihiisa ka helaan baranbaro 3-centimeter bukaan ka sheeganayay calool-majiir iyo dheefshiid xumo!
Ninkaan ayaa isbitaal yimid kaddib saddex maalmood oo uu xanuunsanaa sida uu sheegay. Wuxuu ka cabanayay abitayt xumo iyo caloosha oo fadhisa. Wuxuu sheegay in maalmo kahor uu iibsaday cunnooyinka lagu iibiyo jidadka.
Dhaqaatiirta ayaa si kastaba, mariyay bukaankan tijaabo dhanka Endoscopy-ga si loo ogaado waxa calooshiisa ku jira! Wax la yaab leh oo aysan weligood fileyn ayayse ugu dhex tageen calooshiisa. Waana baranbaro nool oo weliba ku dhex soconaysa mindhicirihiisa!
Dhaqaatiirta ayaana markii dambe ku guuleystay inay kasoo saaraan baranbarada! Haddii tallaabada loo maray inay looga bixiyo baranbarada ay noqon lahayd mid fashilanta, waxay sheegeen inuu qaadi lahaa xanuunno ka dhasha infekshinka.
You must log in to post a comment.