crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mahadsanid Mustaqbal – Shukran Mustaqbal. | HimiloNetwork

Mahadsanid Mustaqbal – Shukran Mustaqbal.

Muqdisho (Himilonews) – Mustaqbal – Tiirka waayahaygii saxaafadeed ee curdinka ahaa.
Kadib sugista muddo ku dhow 6 bilood codsi shaqo oo aan usoo dirtay maamulka sare ee idaacadda, bishii Janaayo sanadkii 2016-ka ayaan si rasmi ah uga howl-galay sal-dhigga koobaad ee Mustaqbal Radio – Muqdisho.
Maalintaydii koobaad 16-kii bisha Janaayo  sanadkii hore, taariikhda noloshayda cusub iyo waayahayga saxaafadda waxaa u furmay baal cusub.
Inaan markaygii ugu horreeyeyba ka howl-galo mid kamid ah shirkadaha wabaahineed ee leh sumcadda saxaafadeed waxay xaqiiqdii ii aheyd ayaan nasiibku gaar iiga dhigay. In-yar kadibna waxaan soo hubsaday in nasiibkaygu wacnaa maadaama aan helay jaallayaal da’yar ah oo isugu jira lab iyo dhedig kuwaas oo aan runtii waaya’aragnimadooda ka dheefsaday.
Markii aan imaanayay daarta Mustaqbal, mafileyn inaan kala laaban doono waaya’aragnimo leh ileys cagaaran oo tallaab iiga noqota tallaabooyinka kale ee iiga harsan waayahayga sxaafadeed ee curdinka ah.
Mustaqbal waa xaruntii koobaad ee aan codbaahiyeeda kala hadlo bulshada Soomaaliyeed. Waxaana fursad u helay inaan kamid noqdo soo saarayaasha Kocbiye Talk Show – oo ah mid kamid ah barnaamijyada ugu saameynta badan warbaahinta hadasha. Marka aan dib usii eego dadaallada lagu bixiyana, waxaan rumeysan karaa in is-baddalku uusan naga fogeyn haddii – isaga oo kale – laga bilaabo idaacad kasta.
Gef iguma ahan inaan iraahdo – la’aanta asxaabtii igu soo dhaweysay Mustaqbal Radio sida; guddoomiye Guutaale, agaasime Ali Baashi, Nasriin Maxamed, Adan Showqi, Abdishakur, Xasan Laki, Cabbaas Carab iyo dahabkii kale ee aan ku bartay idaacadda – way igu adkaan laheyd inaan hammi ka lahaado mihnaddayda saxaafadeed.
Waxaana jira abaal iyo ammaan aan tirsi laheyn oo qallinkaygu uusan wada qori karin ama qoraallayadu wada kobi karin balse iigu daabacan laabtayda kuwaas oo baaqi kusii ahaan doona inta aan ifka dul joogo.
Maanta oo aad u dabaal-dageysaan sanad-guuradii 5aad ee aas’aaskiinana, ii oggolaada inaan farriimo xanbaarsan gacaltooyo, walaaltinimo, abaal hufan iyo bogaadin idin soo dhigo meel kasta oo  dhageystayaashiinnu idinka soo gaari karaan.
Jaallayaashayda shalay iyo maanta ku naaloonaya waqtiga hufan oo ay ku qaadanayaan shaqada Mustaqbal FM, aan idin hubsado inaad leedihiin dheeraad uusan heli Karin wariye kasta oo bulshadiisa la hadla.
Farriintayduna waa inaad Mustaqbal ka yeeshaan si kasii fiican sidii aad ugu timaadeen. Waana doorasho iyo go’aanka ku jira gacmihiinna oo geedigeeda hayaanka ah uga sii gurtaan oodaha – si naftiinna iyo bulshaduba idin mahdiso.
Inaad, sida muuqataba bilowdeen mashruuca La Duubo Dadkaaga, waxay tusaaale u tahay sida aad ugu taagan tihiin hiigsiga aragtida yooleysan ee Mustaqbal radio – Warbaahin Wax Dhista.
Alfa Mabruuk – Hambalyo kumaan malaayiin ah.
Mustaqbal Media Co-operation (MMC).
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!