Lakulan: Ninka heysta 15 shahaadooyin jaamacadeed ah
Posted by: Zakariya
in Wararka
February 15, 2017
436 Views
Milano (Himilonews) – Luciano Baietti, oo ah howl-gab ahaan jiray maamule dugsi ku yaalla Velletri ee dalka Talyaaniga, ayaa rikoorka Guinness ku galay ninka ugu badan ee heysta shahaadooyin jaamacadeed.
70-jirkan ayaa hadda dhowr jaamacadood oo ku yaalla gudaha Talyaaniga ka heysta ku dhawaad 15 shahaado oo isugu jir marqaatiga Bachelor’s degree iyo master-ka wuxuuna isku diyaarinayaa hanashada middiisa 16aad.
Helidda wax ka badan hal degree jaamacadeed ah inta badan lama maqlo. Hayeeshe hanashada 15 shahaadooyinka jaamacadeed ah waa dheygag iyo la yaab maadama qof kaliya uu sameeyey.
In kasta oo uu maalintii waqtigiisa ku qaato waraabinta beerista iyo ku nasashada aqalkiisa sida dadka isaga lamidka ah, habeenkii, Luciano Baretti, wuxuu isku badalaa arday jaamacadeed.
Hiirta hore kahor intuusan waagu wada dillaacin, marka dunida kale badi hurudo, wuu soo kacaa; ku aqriyaa casharradiisa iftiinka uga soo kaaha nalka suran miiska dushiisa.
Wuxuu sheegtay in waxbarashadu ay maskaxdiisa ku ilaalisay firfircooni iyo da’yarnimo. “Markasta oo aan shahaado kale ku biiriyo shahaadooyinkayga, waa mar kasta oo aqoonta aan dunida u yeelanayo ay ballaarato,” ayuu yiri Luciano Baretti.
Waxaa intaas kaga sii mudan in lagu xusay buugga layaabka dunida – oo uu yahay qofka kaliya ee kaalintaas u taagan.
Isha: radiohimilo.so
Related
2017-02-15
You must log in to post a comment.