crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan: Macalinka Ardayda xisaabta ku jecleysiiya ciyaarta ama dheesha Hip-Hop-ka | HimiloNetwork

Lakulan: Macalinka Ardayda xisaabta ku jecleysiiya ciyaarta ama dheesha Hip-Hop-ka

Pretoria (Himilonews) – Kurt Minnaar, oo ah macalin 33-jir ah waxna ka dhigaya dugsiga Cape Town’s Eben Dönges High School ayaa adeegsada ciyaarta Hip-Hop-ka la yiraahdo si casharrada maadada xisaabta uu u jecleysiiyo ardayda.
Heesidda ama dhageysiga muusiko aalaba lalama xiriiro fasallada ardaydu ku jirto, hayeeshe fasalka macalin Kurt Minnaar waa hordhaca xiisadda. Hal-yaqaan hore oo ciyaarta Hip-Hop-ka ah, wuxuu adeegsadaa dhawaqa muusiga si habka barashada xisaabta uu uga dhigo mid fudud oo aysan ardaydu ku dareemin daal. Minnaar wuxuu sheegay in badi ardaydu ay maanta la socdaan dhawaqa muusiga – waxayna awoodaan inay kugula socdaan waxa ay jecel yihiin si loo jecleysiiyo maadadda aysan wada jecleyn.
33-jirkan u dhashay Koofur Afrika waxay fikraddan ku dhalatay markii uu arkay sida caajiska leh ee ardaydu usoo qaabilaan kolkay ku jiraan maadada xisaabta. Waxayna tallaabadiisu noqotay mid ku xiisa-gelisa ardayda jaceylka xisaabta.
“In ardayda wax lagu fahamsiiyo qaabka manhajka caadiga ah, waxay inta badan keeneysaa in ardaydu noqdaan kuwo aan fahmin wixii loogu dhigay fasalka 4aad makay joogaan fasalka 8aad,” ayuu u sheegay Daily Voice. “Sidaas darteed, habkani wuxuu u sahlayaa ardayda inay si baraarug leh iila socdaan; una fahmaan wax kasta oo aan u dhigo.”
Wuxuu ardayda ku dhiirr-geliyaa inay qoob-ka-ciyaaraan. Waayo wuxuu sheegay inay ardayda ka caawinayso in dareenkooda ay soo jiheeyaan.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!