Sign in Welcome! Log into your account your username your password Forgot your password? Get help Password recovery Recover your password your email A password will be e-mailed to you. HomeWararkaNolosha ninka cidiyihiisa tarminayay muddo 35 ah Wararka Nolosha ninka cidiyihiisa tarminayay muddo 35 ah By Zakariya March 25, 2017 0 43 Share FacebookXPinterestWhatsApp Muqdisho (Himilonews) – Luu Cong Huyen, oo 58-jir ah, oo ku nool degmada Yen Giao ee Nam Dinh, dalka Fiitnaam ayaa cidiyihiisa abuurayay taniyo 30-kii sano ee lasoo dhaafay – isaga oo qaadayay tallaabooyin kasta oo uu ku ilaalinayo daryeelkooda. Huyen ma buunbuuninayo wax-qabadkiisa. Cidiyihiisa oo ah kuwa dheer oo gaaraya 55 cm, laga yaabee inay kuugu muuqdaan dhumuc iyo adeyg, hadana wuxuu sheegaya inay si fudud ugu nugul yihiin wax-yeelo gaar ahaan markay qoyaan. Waana taas sabab uu mar kasta uga fogaado biyaha iyo dareerayaasha kale. Wuxuuna u qubeystaa si dhif-dhif ah. Marka uu roob da’o wuxuu gacmihiisa leh cidiyaha dheer ku daboolaa baco – si dhibicdu aysan ugu dhicin. Marka uu rabo inuu qubeysto, wuxuu kaalmo weydiistaa  xaaskiisa Nguyen Thi Thuan. Mararka qaar waa inay ku quudisaa qaadno marka uu wax cunayo. Huyen cidiyihiisu waxay aad ugu yihiin qaali. Mar mid kamid ah ay ka jabtay, aad buu u niyad-xumaaday. Muusan seexanin maalmo waxna muusan cunin, hayeeshe ugu danbeyntii wuxuu isku niyad-geliyay digtooni dheeraad ah inuu u galo badbaadadooda mustaqbalka. Hadda wuxuu ka joogaa dhimasho inuu mid kale waayo. Xaaskiisu waxay ku qabtay mushkilad badan ilaalinta cidiyihiisa. Mudda dheer oo ay ku jirtay iska ilaalinta wax-yeeleyntooda, hadda waxay ka jiifsataa meel kale. Dadka uu la nool yahay, siiba carruurta, way ooyaan markay arkaan. Waxayna ugu yeeraan ereyo argagaxa ka abuurma sida Sheydaan. Hayeeshe tani uma muuqato mid micno ugu fadhida Huyen. Gudaha Fitnam waxaa looga aqoonsaday ninka ugu cidiyaha dheer, wuxuuna ku taagan yahay jidkii uu ku noqon lahaa ninka ugu cidiyaha dheer dunida ee gala Buugga Layaabka Dunida ee Guinness Record. Hadda kaalintaas waxaa ku jira Shridhar Chillal, oo u dhashay dalka Hindiya. Isha: radiohimilo.so Qore: Zakariya Xasan Maxamed. Share FacebookXPinterestWhatsApp Previous article24 March: Maalinta Caalamiga ee QaaxadaNext articleLakulan: Macalinka Ardayda xisaabta ku jecleysiiya ciyaarta ama dheesha Hip-Hop-ka Zakariya RELATED ARTICLES Wararka Koobka Adduunka ee Nadiifinta Daaqadaha! August 3, 2026 Wararka Tartanka Qodista Qubuuraha iyo Ujeeddada loo qabto Sannad kasta! July 30, 2026 Wararka Tartanka Mootooyinka ee Buurta aan la rumaysan karin in la fuulo! July 30, 2026 LEAVE A REPLY Cancel replyLog in to leave a comment Most Popular Daawo: Koobka Adduunka ee Nadiifinta Daaqadaha August 3, 2026 Koobka Adduunka ee Nadiifinta Daaqadaha! August 3, 2026 “Alle oo kaliya ayaan caabudaa.” – Muslimiinta oo kahor timid sharci ku qasbaya inay Sanamyada amaanaan! August 1, 2026 “Noo nadiifi Macbadkeenna.” – Nin Muslim ah oo gef yar oo uu sameeyey ku mudanaya ciqaab lala yaabay! July 31, 2026 Load more Recent Comments