crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: Wiil ay isku magac noqdeen madaxweyne caan ah oo shaqo la’aan ku dhacday | HimiloNetwork

La kulan: Wiil ay isku magac noqdeen madaxweyne caan ah oo shaqo la’aan ku dhacday

Delhi (Himilonews) – Saddam Hussain, oo ah injineer mariinis ah oo ku nool magaalada Jamshedpur ee dalka India ayaa sheeganaya in la wadaagista magac qura madaxweynihii hore ee Iraaq darteed ay ku adkaatay inuu shaqo ku helo kuliyaddii uu bartay.
Markii awoowgiis uu magac u dooray 25-sano kahor, muusan ka heysan fikrad in magaciisa uu ku noqon doono caqabad u diida inuu shaqo ku helo xirfadda uu soo bartay ee injineernimada. Magacyadan ayaase aad loola baxaa gudaha Hindiya, hayeeshe iyada oo loo aaneynayo mihnadda uu ku gaaroobay barashadeeda, waxay ku keentay caqabad.
Laba sano kadib markii uu kasoo qalin-jabiyay Jaamacadda Tamil Nadu’s Noorul Islam University, Saddam Hussain wuxuu wali la halgamayaa inuu shaqo helo tiiyoo uu booska labaad kasoo galay imtixaanka Jaamacaddiisa. Dhamaan jaallayaashii ay kasoo wada baxeen kuliyadda waxay shaqooyin kawada heleen shirkadaha kala duwan ee Hindiya iyo dunida kale. Hayeeshe wuxuu isagu ku haray diidmo uu kala kulmo meeshii uu tagaba.
Wuxuu marar badan war is dhaafsi iyo xog wareysi la yeeshay shirkadaha uu daneynayay inuu u shaqeeyo, hayeeshe dhamaantood kalama kulmin dhamaad farxad leh.
Dhowr jeer oo uu ku dhacay tijaabada aqbalaadda, Saddaam waxaa ku adkaatay inuu fikir u yeesho sababta loo diido had iyo jeer. Mar uu weydiiyay shirkad kamid ah kuwii uu codsiga u galay, waxay u sheegeen in magaciisu uu dhibaato ku hayo. “Dadku waxay ka didayaan magaceyga,” ayuu u sheegay Hindustan Times.
Maadaama shaqadiisu ku xiran tahay socdaalka iyo gooshka gaadiid badeedka, Saddaam waxay ku noqotay xal uu u la’yahay dhibta ka heysata magaciisa. “Waayo shirkadna ma dooneyso inay shaqaalaheedu ku xanibto meel kale haddii magaciisa la qaato micno kale,” ayuu yiri mid kamid ah shirkadaha uu shaqada weydiistay.
Jaamacaddiisa Noorul Islam University ayaa iska diiday inay dukumentigiisa ka badasho magaca ugu qoran. Wuxuu hadda wadaa qorshe uu ku niyad-weyn yahay oo in guddiga midowga manhajka dalka uu ku cadaadiyo inay ka badalaan magaca. Maxkamadda ayaana qaadatay inay maqasho codsigiisa. Waxaana dacwadiisa la dhageysan doonaa 5 bisha May.
“Waxaan dhibane aan waxba galabsan u noqday gaboodfal iyo danbi uu galay qof kale,” ayuu yiri.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!