crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Dhiirri-geliyaha ugu da’da yar Dalka Pakistan. | HimiloNetwork

La kulan – Dhiirri-geliyaha ugu da’da yar Dalka Pakistan.

Islam Abad (Himilonetwork) – Dadka qaar waxay ku doodi karaan in waaya’aragnimada nolosha ay muhiim u tahay noqoshada qof dhiirri-geliye ah, hayeeshe 11-jir u dhashay dalka Pakistan wuxuu caddeyn u yahay inaad kaliya u baahan tahay kalsooni iyo dhiirranaan fagaare ka-hadaleed ah.
Hammid Safi wuxuu aad ugu go’ay wax laga yaabo in badan oo inaga mida inaysan ku dhiirran. Waa dhiirri-geliyaha ugu da’da yar ee dalka Pakistan iyo jeediye fogaan-arag ‘TV anchor’ iyo xittaa macalin kamid ah barayaasha Jaamacadda Peshawar – halkaas oo arday jirta laba jibbaarka da’diisa uu wax u dhigo.
Waxaa loogu yeeray dhallaankii sare ‘super kid’, ‘motivational guru’, iyo fariidka yar ee Pakistan. Laakiin majecla inta badan in amaantiisu ka sarreyso. Wuxuu isku dayaa inuu daraaseeyo culuumta ku saabsan tababbarista nafta iyo dhirri-gelinteeda, wuxuuna aad u adeegsadaa tiknoolojiyadda casriga ah si da’yarta reer Pakistan uu ugu xiro dunida inteeda kale.
“Waa qof kale iyo ruux badan oo isku dhex jirta ayaad is weydiinaysa marka uu bilaabo khudbadihiisa,” ayuu yiri aabihiis Abdul Rehman Khan. “Waxaana doonaya inuu noqdo qof gaar ah – hoggaan mudan. Aad ayaana ugu faanayaa.”
Faallada Abdul laga yaabee inay kula noqoto buunbuunin. Balse da’yarkani wuxuu awoodaa inuu jiheeyo cuquusha dadka ka da’ weyn. Isaga oo ku kalsoon burjigiisa, wuxuu awood u leeyahay inuu si qoto dheer ula fal-galo falan-qeynta mushaakilka nolosha una raadiyo waddo ay dadku kaga bogsan karaan culeyskeeda.
Safi wuxuu sidoo kale aad ugu howshooda baraha bulshada si khudbadihiisu ay u gaaraan dunida inteeda kale. Hadda waxaa bartiisa YouTube-ka ku xiran dad gaaraya  160,000, qaar kamid ah muuqaalladiisana waxaa la daawaday malaayiin jeer.
Mowduucyada uu inta badan ka hadlo ma ahan kuwa ugub ah, laakiin hannaanka uu usoo jeediyo ayaa soo jiidata indhaha daawadayaasha.
“Bil kahor waxaan isku dayay inaan is dilo, waayo waxaan ku wareeray nolosha maadaama aan helin shaqo,” ayuu yiri da’yar laba jibbaar ka weyn dhiirri-geliye Hammad. “Kaddibna waxaan daawaday muuqaallada da’yarkan, waana fikiray. Waxaana iisoo baxday in haddiiba inankan uu nolosha sidaas ugu fariidsan yahay, anigana aan albaab cusub u furi karo noloshayda.”
Tanina waa mid Hammad ka dhigtay gaaroodi.
Wuxuu kasoo jeedaa qoys hodan ah oo ku nool Peshawar, laakiin uma muuqdo mid la dhacsan nolosha maadiga ah. Taas beddelkeeda, wuxuu ku dhawaad 12-14 saacadood maalin walba ku bixiyaa daraasadda iyo cilmi-baarista si uu u kordhiyo xirfaddiisa maalmeed.
Wuxuu ku warwaraa inuu maalin un noqon doono hoggaamiye dunida u sheega in dalkiisu yahay mid ka qaalisan sida ay ka maleynayaan.
“Waxaan jeclahay inaan noqdo hoggaamiye mustaqbalka u sheega dunida in dalkani uusan ahayn dal argagaxiso oo aan heysanno wax walba,” ayuu yiri.
Dadka Pakistan ayaa badigood la dhacsan doorka uu ciyaarayo da’yarkani.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!