Jabhadihii Qabiilka ku salaysnaa oo isku bedelay Maamul Goboleed.
Posted by: Himilo
in Sahanka, Wararka
January 24, 2019
5,764 Views
MUQDISHO (HN) — Soomaaliya waa dal ku yaalo Geeska Afrika, wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Gacanka Cadmeed oo ka xigta Woqooyiga, Jabuuti oo ka xigta Woqooyi galbeed, Itoobiya oo ka xigta dhanka Galbeed, Kenya oo ka xigta dhanka Koonfureed iyo Badweynta Hindiya oo ka xigta dhanka Bari.
Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ugu xeebta dheer caalamka, waa wadanka ugu xeebta dheer qaarada Afrika, dhirirka xeebta soomaaliya waa 3333km.
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya waxaa noqday Aadan Cabdulle Cusmaan ra’iisul wasaarana wuxuu noqday Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isagana noqday madaxweyne 1967–1969). Sannadkii 1961, Soomaaliya waxaa laga hirgaliyay dastuurkii ugu horreeyay ee dalka, waxeyna sameyntiisa soo bilaabatay 1960-64kii.
21 October, 1969kii Maj. General Maxamed Siyaad Barre iyo ciidamada qalabka sida waxay la wareegeen talada dalka, waxayna inqilaabeen xukuumaddii Ra’iisal-wasaare Maxamed Ibrahim Cigaal kadib dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke 15 October, 1969 uu ku dilay mid kamid ah ilaaladiisi magaalada Laascaanood.
JABHADII IYO XOOGAGII QABIILKA
Jabhadii SSDF
April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay, Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf oo ka soo jeeda beesha Daarood gaar ahaan Majeerteen ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, jabhadii (SSF) kadibna laga bedelay magaca bishii October 1981 lagana dhigay (SSDF).
Puntland (SSDF) “Majeerteen”
Maamulka puntland (SSDF “ Majeerteen”ee soomaliya waxaa la asaasay 1998 kii waxaan assasay beelaha ku abtirsada jabhaddii SSDF (majeerteen) waxaana lagu asaasay magaalada garawe ee gobolka Nugaal waxaana madaxwayne ka noqday hogaamiyihii SSDF, kadibna noqday Madaxweeynihii Jamuuriyada federalka soomlya allaha Unaxariisto Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.
Jabhaddii SNM “Isaaq”
Janaayo 30, 1984: Weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxaana lagu xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka, Jabhadihii SNM oo la saasay April 1981 waxa ku midaysnaa beelaha deegaanada waqooyi galbeed soomaaliya gaar ahaan besha Isaaq.
Somaliland (SNM) “Isaaq”
18 my 1991 waxaa la aasaasay Maamulka soomaaliland (SNM) “Isaaq” waxaana madaxwaynihii ugu horeeyay ka noqday Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” allaha u naxariistee, maamulkaasi wuxuu ku salaysanyahay habkii Lagu dhisay jabhdii SNM.
JABAHADII USC “Hawiye”
Jan 23, 1975 – Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975. Kadibna waxaa la aasaasay Jabhadda USC taariikhdu markay ku beegneeyd 1989 dalka Talyaniga magaalada “Roma”.
Dagaala muddo badan socday waxaa suuragal noqotay in meesha lagasaaraan dowladii militeriga ahayd ee uu hogaaminayay J.Maxmed siyaad Barre AUN, jabhad kasata waxaa ka farcamay jabhado kale oo usamaymay qaab qabiileed kadibna dagaalkii wuxuu isu bedelay dagaal sukeeyo oo lagu hoobtay.
MAAMULKA GAL-MUDUG (USC/SNA “Habargidir”
Maamulka Galmudug (USC/SNA) Waxaa la aasaasay 2006 dii hogaamiyihii ugu horeeyay wuxuu ahaa Maxamed Warsame Ali (kiimiko) oo kasoo jeeda Beesha Hawiye Gaar ahaan Habargidir sida ka muuqata maamulkaasi waxaa lagu saleeyay qaabdhismeed ururkii uu hogaaminjiray Ge.Maxamed Faarax caydiid oo ka mid ahaa aasaasayaashii USC waana maamul ku salaysan qaabqabiileed sida maamulada kale ee dalka kajira.
JABHADIHII KALA AHAA USC/SSA, USC/UJ
USC/SSA waxaa ka farcantay USC waxaana samaystey siyaasiyiintii beesha Agaal, kadib markii uu muran siyaasadeed uu soo kala dhexgalay labadii hogaamiye ee kala ahaa Marxuum Maxamed Faarax Ceeydiid iyo Mudane Cali Mahdi Maxamed oo in mudda ah ku dagaalamayay gacan ku haynta Caasimada dalka ee muqdisho ugu dambayntii midna uu ku guulaysan wayay.
sidoo kale USC/UJ waa garab ka goay USC waxaana samaystay hoogaamiyasha Beesha xawaadle oo dagaal kooban dhexmaray Beesha Habargidir (USC/SAN) markii ay ciidamada maraykanka soo galeen soomaliya, beesha xawaadle waxay ahayd beelihii sida way u taageeray soogelitaanka Ciidamadii qaramada miidoobey ee UNISOM sabab dhaqaale awgeed, taasina waxay keentay inay noqdaan garab gooni u taagan.
MAAMULKA HIRSHABEELE (USC/UJ, USC/SSA)
Hirshabeele waxaa la unkay 9 October 2016 waxaana ku midaysan beelaha degan labada gobol Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, Awoodaha Maamulkana waxa looqaybiyay siday ukala badan yihiin ama ukal xoog badan yihiin, waxaan majaraha u haya labada beelood ugu xooga iyo dhaqaalaha badan waxayn gacanta ku dhigeen labada jago ee ugu saraysa ee Maamulka Hirshabeele,Madaxwaynaha waxaa la siiyay “Xawaadle USC/UJ” Madaxweyne ku xigeen waxaa qaatay Abgaal (USC/SSA)
Jabhadii SDM “Digil iyo Mirifle”
Jabhadda SDM waxay kamid ahay ururada yaryar ee ka barbar dagaalami jiray jabhadda USC isku firkirna ahaayeen sidii meesha lagasaari dowladii militriga ee ka talinjirtay dalka, waxayna ku samaystay siyaasiyiinta beelaha digil iyo mirifle ee gobolada Bay iyo Bakool, SDM waxay aad usoo xoogeeysatay markii meesha laga saaray Dowladii Siyaad Barre 1991-1992 garab Buuxana ka noqotay isbahaysi ay ku midoobeen jabhadihii kala ah USC/SNA, SSDF, SSNM,SAMO IYO SNU, lana bexeen magaca ay kuwada midoobeen oo ahaa SLA.
Maamulka Koofur Galbeed (SDM/RRA) “Digil Iyo Mirifle”
2014 kii ayaa la aasaasay Maamulka Koofur galbeed waxaana dhistay Beelaha wada dega sadexda gobo ee kala ah Shabeelada Hose, Bay iyo Bakool, sidoo kale Maamulkaasi waxaa awoodda ugu badan yeeshay beelaha ku abtirsada jabhadii SDM / RRA waxaana saldhig u ah Magaalada Baydhabo.
Aasaaskii maamulka Koofur galbeed waxaa laga soo maray dhibaatooyin badan Maxaayelay qayb kamida siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaanka koofur galbeed waxay doonayeen in laga dhigo lix (6) Gobol oo kala ahaa shabeelada hoose, Jubada hoose, Jubada dhexe, Bay, Bakool iyo Gedo, kuwana waxay rabeen in la ga dhigo sadex gobol, waxaana laga cabsiqabay Maamulka koofur Galbeed in lagu saleeyo 6 Gobol waxaa dagaal cusub dhexmari lahaa jabhadda SMP (Ogaadeen ) oo hadda ah Jubbaland ee fadhigeeda yahay Kismaayo.
Jabhadda SPM “Ogaadeen”
SPM waxaa la aasaasay 1989 isla sanadkii USC lasameyay waxaana samaystay Beesha Ogaadeen – Daarood waxay lahady hogaamiyayaal oo kala ahaa : Colonel Shukri Weyrax Kaariye, Bashiir Bililiqo, Ahmed Cumar Jees, Aadan Cabdullahi Nuur Gabyoow iyo kuwa kale oo badan, jabahadda SPM waxay aad isugu dhawaayeen G. Maxamed Faarax Ceydiid oo ama USC , waxayna qayb ka ahaa yeen jabhadihii ka qaybqaatay riditaanka Dowladii militeriga ahayd, ugu dambayna waxay saldhig ka dhigatay Magaalada Kismaayo.
Maamulka Jubbaland (SPM) “Ogaadeen”
Maamulka jubbaland waxaa dhidibada lootaagay 2013kii , waxaana hogaamiye ka noqday Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ka soo jeedo Beesha Daarood-Ogadeen kana mid ahaa jabhadii Ras-kamboni asalna qayb ka ahaa SPM, kahor intaan lagu dhawaaqin Maamulka Jubba land waxaa muran iyo dagaal xoogan kala dhexeeyay Colonel Barre Aadan Shire Hiiraale oo hormuud u ahaa Jabhadii Juba Valley Alliance (JVA) “Dooxada Jubba” kana soo jeeda Beesha Mareexaan, sidoo kale waxaa jiray siyaasiyiin kale oo u hanqal taagayay inay gacanta ku dhigaan magaalada kismaayo,ama deeganada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana ka mid Profosor Gandi oo watay maamul goboleed la oranjiray “AAZAANIA” kadibna uga tanasulay in adeerkiis Axmed madoobe.
“Hadaba Maamulada samaysmay guud ahaan waa kuwa ku salaysan qaab dhismeedka qabaa’illada soomaliya sida ka muuqata qoralada aduunyada ka qortay Maamulkasta waxaa hogaanka u haysa Beelihii Jabhada samaystay xiligii lala dirirayay dowladii dhexe ee soomaaliya, waana isla ayagii oo shaar loo geliyay,
Waxaa iswaydiin mudan, Maxaa keenay in Jabhadaha qabiil lagu saleeyo?
Sidoo kale yaa ku qasbay in Qabiilkasta uu samaysto Maamul?
Shacabka soomaaliyeed goormee laga qaaday Afti dadwayne?
Suura gal matahay sanadaha dhow inay u codeeyaan hanan Maamul Goboleed?
W/Q: Cabdulqaadir Nuur Ciise (Qabya-tire)
E-mail: Nabadoon66@gmail.com
Tel: +252615130366.
Related
2019-01-24
You must log in to post a comment.