crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Imamka al-Azhar oo dunida ugu yeeray inay garab istaagaan Muslimiinta Rohingya. | HimiloNetwork

Imamka al-Azhar oo dunida ugu yeeray inay garab istaagaan Muslimiinta Rohingya.

Muqdisho – Sheikh Ahmed el-Tayeb, imaamka ugu weyn ee Al-Azhar – ahna wadaadka ugu weyn Muslimiinta ayaa  si kulul u dhaleeceeyey dhibaatada Muslimiinta Rohingya ay ku hayaan argagaxisada Burma.
“Dunida way u jeedaa sida foosha xun oo lagu gumaadayo Muslimiinta Burma ku dhiban – waana in loo gurmadaa,” ayaa lagu yiri war-qoraal ah oo bartiisa lasoo dhigay.
Imaamka ayaa ugu yeeray Jaamacadda Carabta, Ururka Midnimada Islaamka iyo Midowga Yurub inay qaadaan tallaab walba oo lagu suura-gelin karo badbaadinta iyo wax u qabashada Muslimiinta ku dhiban Rohingya.
In ka badan 1,000 qofood ayaa ku dhimatay dhowr iyo 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay qalaalasaha ka jira Burma halkaas oo sidoo kale 270,000 ay Bangladesh uga soo baxsadeen gumaadka socda.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in gacan bidixayn xoogan lagu hayo Muslimiinta caalamka. Haddii Yuhuud, Masiixi ama Buudis lagu gumaadi lahaa meel kamid ah arlada, dunida waxay siin lahayd fiiro gaar ah.
Pop Fransis ayaa sidoo kale canbaareeyey gumaadka socda isaga oo u duceeyey dhibanayaasha.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!