crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney – qaliin is-qurxis ay gashay awgeed – aan indhaheeda isku qaban karin xilliga hurdada! | HimiloNetwork

Haweeney – qaliin is-qurxis ay gashay awgeed – aan indhaheeda isku qaban karin xilliga hurdada!

MUQDISHO (HN) — Haweeney u dhalatay dalka Shiinaha ayaa sheegtay in – si ay habeen walba u seexato ay mid kamid ah indhaheeda ku xirto faashad – kaddib markii qaliin is-qurxis ah oo ay gashay ay sababtay inaysan indhaha mar qura isku wada qaban karin marka ay seexanayso.

Haweeneydan oo magaceeda lagu soo gaabiyay Ms Ma, waxay bixisay adduun dhan 20,000 yuan oo u dhiganta 2,800$ si ay u marto qaliin ay iskaga qurxinayso baararka iyo sunniyaha sannadkii 2018-ka.

Qalliimada lagu sameeyo sunniyaha iyo baararka waa mid ay aad u jecel yihiin haween badan oo Aasiya ku nool. Laakiin sheekada Ms Ma sidii ay filanaysay looguma guuleysan. Waxaana ay mar labaad gashay qaliin kale kaas oo meel xun kala dhacay. Haweeneydan ayaa la walaacday ogaanshiyaha inaysan awoodi karin labadeeda indhood inay isku wada qabato mar kaliya kolka ay seexanayso.

“Indhahaygu marnaba masoo hagaagin taniyo markii aan maray qaliinka labaad,” ayay tiri. “Si fiican iskuguma qaban karo labadooda, waxaana mararka qaar kasoo daata biyo.”

“Waxaan isticmaalaa faashad iyo wixii lamid ah si aan ugu daboolo indhaha marka aan seexanayo. Maba isku qabsoomayaan haddii aanan faashad iska saarin.”

Waxaa muuqata inaysan xittaa heli karin magdhow ama cawil-celin ku aadan habkii loo maray qaliinkeeda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!