crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Codbaahiyaha – Aalad hore oo Fikrado Cusub laga hal-abuuray! | HimiloNetwork
Mosque Loudspeakers in Islamic Cairo (Egypt)

Codbaahiyaha – Aalad hore oo Fikrado Cusub laga hal-abuuray!

Muqdisho (Himilonetwork) – Fogaan boqol mitir kuu jirta, waxaad ka maqli kartaa dhawaqa cod-baahiye si celcelis ah loogu tiraabayo oraah muujinaysa wax ugu danbeyn ay indhahaadu qabanayaan marka aad dultimaado.
Waxaana laba middood ay u badan tahay inay noqoto – badeeco laguugu yeerayo inaad iibsato ama miskiin dawarsanaya oo doonaya inuu baahidiisa ku maqashiiyo. Dabeecaddan cusub ma ahan mid ku gaar ah suuqyada waaweyn oo kaliya. Waxay goor hore murqaha ku fidsatay qeybaha kala duwan ee ganacsigeenna maanta.
Waxyar toban sano kahor, maqalka codbaahiyuhu wuxuu kaaga imaan jiray goobo cayiman sida masaajidda, xafladaha qaar iyo kulamada la iskugu yimaado. Hayeeshe, qofna muusan fileyn inay gaari karto heer xittaa wax ka dheer ujeeddo ganacsi loo adeegsan doono – iskaba daa in la mala-awaalo sida uu fursad ku siin karo masaakiin dawarsanaysa inay cod dheer ku sheegtaan baahidooda.
Durba waxaan soo xusuustay shirkad ku taalla magaalada Amsterdam ee dalka Holland oo soo saartay jaakad cusub taas oo dadka dawarsada u fududeyneysa in lacag loogu deeqi karo qaabka ATM-ka ama iyaga oo kaarka bangiyada loo marinayo dalool yar oo jaakadda ku sameysan maadaama sannadihii dhawaa, dawarsadayaasha aysan helin kaalmo iyo siismo dheeraad ah; sababta oo ah badi dadku waxay lacagaha ku qaataan kaarar-ka bangiyada. Mana ku sitaan jajab sunuud ah jeebahooda.
Carsten van Berkel iyo Stefan Leendertse oo u dhashay Netherlands ayaa keenay fikirkan xalka u noqday in lagu caawiyo dadka nasiibka yar. Hayeeshe, halkan, caasimadda Muqdisho, cidna ma oga kuwii hal-abuuray in codbaahiyaha loo adeegsado dhinacyo badan oo kaalmeynta masaakiintuna ay qeyb ka tahay.
Jiilka hana-qaadka hore ee nolosha ku jira, waxaa hadda taariikh hore u noqoneysa wax laga yaabo inay noo ahaayeen nolosheenna caadiga oo aan lasoo kornay. Iyaguna waxay is weydiinayaan siday aheyd nolosha maalinle ee ka jirta suuqyada iyo goobaha la iskugu yimaado – iyada oo aan la adeegsan maqalka codbaahiyaasha dhegaheenna ku dhacaya waqti walba. Waayo waa dhawaq ay kusoo baxeen maqalkiisa. Waxayna ku korayaan la qabsigiisa.
In kasta oo su’aalo dood geli kara laga keeni karo culeyska mar qura ay dhegahaada ku keeni karaan maqalka dhowr codad oo kaaga yimaada mikrafoonno ka shidan hareerahaada, haddana taasi mar kasta ma ahan mid laga dhiidhin karo. Dhawaqa yar ee dhegahaadu laga yaabo inay dhibsadaan, hadda waxay dheef muuqata kusoo biirinayaan nolosha ganacsato badan oo garab-rarato iyo masaakiin isugu jira.
Sidaas awgeed, waxaad kusoo dhawaataa duni ganacsigeeda yaryarka ah iyo baahideeda maalinlaha ah iskugu gudbinaysa mikrafoonnada. Waana caasimadda Muqdisho halka ay taasi ka suura-gashay.
Balse ma ahan mikrofoonnadu baahiyaha ay buuxiyeen mid ku kooban suuqyada. Hal-abuurkan casriga ah wuxuu hadda yeeshay wajiyo badan aan laga fileyn marna inuu gaari doono heer ahaan. Halka waagii hore baafinta qof anbaday laga baahin jiray warbaahinta Muqdisho, layaab malahan inaad aragto qof ama laba ruux kuwaas oo codbaahiyaha ku sheegaya ruux ka maqan – iyaga oo ku wareegsanaya jidadka xaafadaha ay isleeyihiin wuu kaga habaabay.
Masaajidduna kuma ekaan inay kaliya ku diraan farriimaha waqtiyada salaadaha iyo khudbadaha, waxay sidoo kale hadda goor hore ku darsadeen inay ku sheegaan taakulada ay u rabaan dhismaha iyo naashnaashka uu masjidku u baahan yahay.
Halka geyfanayaasha dersada kobaca dhaqaalaha ganaciga laga yaabo inay tallaab wacan ku tilmaamaan adeegsiga codbaahiyaha, haddana xaqiiqadu waxay tahay inay geesta kale ka sidan karo mushkilad degaan oo dhanka is-maqalka la xiriirta.
Xilli qaati laga taagan yahay adeegsiga hoonka gawaarida oo si aan xad laheyn – mararka qaar – loo riixo si mas’uuliyad darro muujinaysa iyo ciriiriga waddooyinka oo dhinac kale ka taagan isku socodka bulshada, dad badan sida muuqata raaxo kuma dareemayaan maqalka kaga imaanaya mikrofoonnada.
Balse in intee la’eg ayaa laga hadli karaa natiijada – togan iyo midda tabban – oo mikrafoonnadu la yimideen iyada oo aan cidna lagu weydaaraneyn siduu ula nool yahay dhawaaqiisa?!
Hana Maxamed Maxamud.
Kala xiriir: umayma58@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!