HomeDunida MuslimkaDonald Trump oo Dhaqtar Muslim ah u doortay Dadaalka lagu soo saarayo...

Donald Trump oo Dhaqtar Muslim ah u doortay Dadaalka lagu soo saarayo Tallaalka Covid-19.

WASHINGTON (HN) — Dadaal lagu doonayo in looga hortago cudurka Corona iyo helidda tallaalkii lagula tacaali lahaa, madaxweyne Donald Trump ayaa Guddiga soo saara tallaalka Covid-19 wuxuu hormuud uga dhigay dhaqtar Muslim ah.

Dr. Moncef Slaoui, oo Biljan-American ah ayaaloo magacaabay inuu hoggaamiyo Guddi loo dhisay inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo saaraan tallalka cudurka Corona dhammaadka sannadkan.

Shir jaraa’id oo madaxweyne Trump uu ku qabtay Aqalka Cad wuxuu Dr. Moncef Slaoui, ku tilmaamay mid kamid ah khubarada ugu doorka roon dadaallada loogu jiro soo saarista tallaalka.

“Mudane Madaxweyne, waxaan hadda arkayaa horumaro muuqda oo laga helayo khubarada caafimaadka, waxaana rajeynayaa in dhammaadka sannadkan aan soo saarno tallaalkii lagula tacaali lahaa xanuunkan Covid-19.

Guddigan ayaa lagu magacaabaa Warp Speed.

Dhaqtar Moncef oo dhashay sannadkii 1959 wuxuu ku gaaroobay culuumta seyniska. Waana cilmi-baare sare.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments