HomeDunida MuslimkaDa'yarta Muslimiinta UK oo u midoobaya Ol'olaha Qaran ee Nadaafadda.

Da’yarta Muslimiinta UK oo u midoobaya Ol’olaha Qaran ee Nadaafadda.

LONDON (HN) — Dhalinyarada Muslimiinta UK ee dalka oo dhan ku sugan ayaa isaga yimid inay howlo nadaafadeed oo ballaaran ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn kaddib fasaxii sannadka cusub ee laga soo laabtay.

Imam Qamar Ahmed Zafar wuxuu yiri; “Waa mid guud oo innaga wada dhaxaysa inaan dalkeenna ugu shaqeyno si aaan ugu noolaanno.”

“Markii dabaal-degyada sannadka cusub laga soo laabtay, waxaa noo muuqata inaan nadaafadda ku celino sideedii hore taas oo qeyb ahaan muujinaysa kaalinta aan ku leenahay dalkeenna.”

“Waxay sidoo kale baraarujin u tahay da’yarteenna inay ka mahdiyaa nicmooyinka Ilaahay ugu deeqay.”

Ku dhawaad 1,500 oo da’yar ah ayaa isaga yimid inay qeyb ka noqdaan ol’olaha nadaafadda qaran ee UK.

Magaalooyinka uu ol’olahani ka suura-galay ugu danbeyntii waxaa kamid ah London, Edinburgh, Glasgow, Walsall, Manchester, iyo Cardiff.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments