HomeDunida MuslimkaMasaajidda Dewsbury oo u midoobaya inay caawiyaan Keydka Cunnooyinka.

Masaajidda Dewsbury oo u midoobaya inay caawiyaan Keydka Cunnooyinka.

LONDON (HN) — In ka badan 300 oo Masaajid oo ku yaalla Dewsbury, Galbeedka Yorkshire, ayaa iskaga imaanaya si ay deeq cunto ah ugu ururiyaan bangiga keydka cuntada ee magaalada.

Isku xiraha Bangiga Keydka Cunnada, Nicola Watson ayaa tiri: “Waxay aheyd wax qurux badan inaan masaajidda la kaashano ka qeyb-qaadashada mashruuca oo aan filayo in doorka ay ka leeyihiin uu noqon doono mid laga mahdiyo.”

“Sida ay kaga fal-celiyeen baaqa aynu gaarsiinayna, wuxuu runtii ahaa mid cajaa’ib leh. Waxaana rajeynaynaa inay sii xejiyaan kaalintaas muhiimka ah.”

Mashruuca ay qeybta ka yihiin masaajidda Dewsbury ayaa hadafku yahay inay kor u qaadaan cunna-yaraanta soo wajahaysa dadka ayaankoodu liito iyo darbi-jiifa.

Mana aheyn raashiin oo kaliya waxyaalaha ay ku deeqayaan. Dharka iyo agabyada aan in badan lagu isticmaalin guryaha ayaa ku jira deeqaha ay bixinayaan.

Mashaariicdan ayaa qeyb ka ah ol’olaha Keep Britain Clean iyo Quudi Masaakiinta.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments