HomeDunida MuslimkaRW Malaysia oo difaacay sababta uu Muwaadiniin Israeli ah uga mamnuucay dalkiisa.

RW Malaysia oo difaacay sababta uu Muwaadiniin Israeli ah uga mamnuucay dalkiisa.

MUQDISHO (HN) – RW Malaysia, Mahathir Bin Mohamad ayaa sheegay in dadka u dhashay dalka Israel aan loo oggolaan doonin in dalkiisa ay soo galaan, marka loo eego Walla! News.
Hadalkan ayaa daba socda dhaleeceyn loo jeediyay dowladdiisa kaddib markii ka qeyb-galayaal u dhashay dalka Israel laga mamnuucay inay ka qeyb-galaan tartanka caalamiga ee dabaasha Paralympic Swimming World Championship oo ka dhacaya dalka Malaysia.
“Israel waxay dunida ka sameysaa gaboodfal badan oo aan lagu dhaleeceynin,” ayuu yiri RW Mahathir.
Mar la weydiiyay haddii tani aysan ficil ahaan u saameynin dowladda Israel, Mohamad wuxuu yiri; ‘Badi muwaadiniinta Israel waxay taageersan yihiin dowladdooda – isaga oo intaas ku daray in maadaama aysan Malaysia tallaab cawaaqib leh ka qaadi karin falalka Israel ay haddana muujin karto inaysan la dhacsaneyn falalka foosha xun oo ay ku kaceyso.
“Dunidu waxay ka hadleysaa xurnimada, balse mar kasta oo aan ka hadalno ama aan wax ka sheegno Israel, dunidu waxay ugu yeeraysaa Yuhuudi-naceyb.”
“Balse waa xaq aan u leeyahay inaan dhaleeceeyo ficillada ka-dhanka-ah Falastiiniyiinta oo ay ka geysato Bariga Dhexe.”
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments