Beijing (Himilonetwork) – Cadaadiska lagu hayo Muslimiinta Shiinaha ayaa gaaray heer Xujeyda sannadka gudanaysa acmaasha Xajka lagu qabso inay horay usii qaataan aalad dowladda u sahlaysa inay ogaato halka ay ku sugan yihiin inta lagu guda-jiro maalmaha barakaysan ee Xajka taas oo ah tallaabo ay aad uga hor yimaadeen qolyaha u dooda Xuquuqda Aadanaha.
“Tani waa tallaab kale oo lagu cabburinayo xurriyadda cibaadada ee Muslimiinta Shiinaha oo loola dhaqmayo sida danbiilayaal gabood-fal kasoo geystay gudaha dalkooda,” ayuu u sheegay Wall Street Journal, Eva Pils, oo ah geyfane u dooda xuquuqda aadanaha oo katirsan  King’s College London.
Aaladdan ayaa la arkay markii mid kamid ah Xujeyda sannadkan uu kusoo muuqday xilli uu usoo dhoofayay magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga.
