HomeDunida MuslimkaGuur-wadareedkii ugu weynaa Qaaradda Yurub oo lagu qabtay Bosnia.

Guur-wadareedkii ugu weynaa Qaaradda Yurub oo lagu qabtay Bosnia.

Sarajevo (Himilonetwork) – Lamaanayaal lixdan gaaraya ayaa xaflad si wadajir ah loogu dhigay arooskooda gudaha dalka Bosnia Herzegovina oo ah guur-wadareedkii ugu weynaa ee laga dhigo qaaradda Yurub.
Xafladda waxaa soo agaasimay hoggaanka Muslimiinta Bosnia si dhalinyarada loogu dhiirri-geliyo nolosha mas’uulnimo ee qoysaska, sida ay soo xigatay BBC-da.
Dalka Balkan-ka wuxuu leeyahay  mid kamid ah dhalinyarada ugu shaqo la’aanta badan qaaradda Yurub – guurka iyo dhalmada ayaana hoos u dhacday sannadihii lasoo dhaafay.
Bosnia waxaa ku midaysan dhowr qowmiyadood oo kala ah Bosniaks, Serbs, iyo Croats.
40% dalka Bosnia dadka ku nool waa Muslimiin, halka tirada soo hartana ay yihiin Masiixiyiin kala heysta  Orthodox iyo Catholics.
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments