Nairobi (Himilonetwork) – Ma ahayn wax la dheereysto. Waxay ahayd dhawaaq inuu soo socdo lasii ogaa. Laakiin su’aali kama taagna inaysan tani ahayn mid marmarsiinyo loo raadsan karo.
Xukuumadda Shiinaha ayaa taniyo dhalashada Bisha Ramadaan ee sannadkan waxay cadaadiskii ugu adkaa kusoo rogtay Muslimiinta ku nool dalkeeda kuwaas oo loo diiday micno walba oo ay ku gudan karaan waajibaadka bisha Soonqaadka lana qeybsadaan ajirka walaalahooda kale ee dunida dacalladeeda ku kala nool.
“Waxay xabsi iyo gacan bidixayn ku qabteen tirayarta doonaysay inay gutaan acmaasha Soonka,” Dolkun Isa, oo ah madaxa World Uighur Congress ayaa u sheegay VOA. “Qofna ma micneyn karo sababta ka danbeysa xiritaankooda. Qofna halkan amni kuma dareemayo.”
Isa ayaa ku eedeeyey xukuumadda Shiinaha inay xabsiyada u dhaadhicisay Muslimiin badan taniyo markii uu bilowday Ramadaan bishii May 16.
Dhammaan shaqaalaha dowladda ayaa loo diiday inay soomaan. Kuwa isku daya inay qarsoodi u soomaan xittaa waxaa lagu qasbay inay afuraan dharaarta cad iyo inay masaajidda kusoo cibaadeystaan.
Waxaana tallaabadaas barbar soctay tartan ku saabsan adeegsiga qamriga iyo hilib doofaarka.
Shiinaha ayaa cadaadiskan soo bilaabay taniyo sannadkii 2015-ka markaas oo uu soo rogay sharciga la-dagaalanka argagaxisada.